Aamin Caamir Oo Sawir Ku Muujiyay Mawqifka Mooshinka Ee Xasan Sheekh, Jawaari iyo Ra’isal wasaare Cumar

Hargeysa(GNN)Farshaxanka caanka ku ah Sawir kartoonka inta badana arrimaha siyaasadda ku cabiray Aamiin Caamir, ayaa sawir ku muujiyay sida Mooshinka Xasan Sheekh ka dhanka ah loogu jabinayo shuruucda Somalia, islamarkaana xal kale oo lacag lagu fardaamiyo loogu raadinayo.

amiin

Ku dhawaad 100 Xildhibaan ayaa hore shirguddoonka baarlamaanka u hor dhigay mooshin xilka lagaga qaadayo Xasan Sheekh, balse muddo kadib ayuu guddoonka Baarlamaanku sheegay in arrintaasi laga wada xaajoonayo lana laalay mooshinkii.

Qaar ka mid ah xildhibaannada mooshinka keenay oo eedo culus u jeedinaya Xasan Sheekh ayaa ka soo horjeestay laalista mooshinka kuna dooday inaanu Mr Jawaari awood u lahayn tuursita mooshin mudaneyaal tiradaasi lehi soo dhigeen, iyadoo ilaa haddana muranku sidaasi u taagan yahay.

amiin

Hore ayaa ra’isal wasaareyaal la shaqaynayay Xasan Sheekh baarlamaanku xilka uga tuuray balse waa markii u horaysay ee isaga laftiisa mooshin laga keeno, waxaana isa soo taraysa warar ku saabsan in mudaneyaasha lacag lagu dambabaso.
Gabiley.Net
Gabiley Office