Akhriso: Gabay Qosol ah oo laga tiriyay is casilaadii Wasiirada ee Maanta.

Axmed Nour Guruuje oo ka mid ah dhalin yarada Looyarada ah ee ka shaqeeya Dalka siyaasada Xisbiga kulmiye iyo ta guud ahaan Somaliland aad ugu dhuun daloola ayaa saaka markii ay soo baxday is casilaada wasiiradu waxa uu tiriyay gabay gaaban oo qosol ah ,waxanu yidhi.

Tusbax go’ay sidiisii miyaa loogga wadda tookhay

Nin waliba tubtuu rabay miyuu toobiyaha qaaday

Odaygii miyaa lagga tagoo meel cidlo ah taagan

Wasiiraddu taraarkii miyaa toban ba meel aaday

Ma xirsaa wuxuu tamar lahaa tacab khasaar joogga

Xuseenkii tumaatidda caddaa ciilka ma u tiicay

Ma cabdaa wuxuu toocsan jiray taladdi beenowday

Ma muusaa Ku tamash laynayoo maanta tumanaaya

Ma cirkay ku wadda taamaysaa la iska kala tuuray

Kulmiyuhu tabcadda ma iska helay waranka taaloogan

Ma tabtaan la rabay bay mareen tuu ku dhimanaayay

Ma tagoogadoodaan hadhow toojo dhicinayn

Gabiley.net