Amniga Xarunta Kulmiye Oo Aad Loo Adkeeyey Iyo Bixinta Kaadhadhka Xubnaha Golaha Dhexe Oo Goor Dhaw Bilaabmi Doonta –

Amniga Xarunta Kulmiye Oo Aad Loo Adkeeyey Iyo Bixinta Kaadhadhka Xubnaha Golaha Dhexe Oo Goor Dhaw Bilaabmi Doonta

Hargeysa(GNN):-Waxa la filayaa inay saaka ka bilaabanta xarunta dhexe ee xisbiga muxaafidka ah ee Ku

Kulmiye qaybinta kaadhadhka xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya xarunta xisbigaasi, ergooyinka golaha dhexe ayaa la filayaa inay goor dhaw isku shubaan xarunta xisbiga si ay u helaan kaadhadhka aqoonsiga xubinimada golaha dhexe ee ay ka kaga qayb galayan shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.

Xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa saaka la dhigay ciidan  loogu tala galay inay sugaan amniga xarunta isla markaana kor kala socdaan habsami u socodka bixinta kaadhadhka.

Sida ay sheegayan wararka  laga helayo xarunta  Kulmiye, ciidankan dheeraadka ah ee la geeyey xarunta xisiga ayaa loogu tala galay inay sugaan amniga xarunta oo kaliya, iyada oo
ay iskugu iman doonaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo ka kala imanaya guud ahaan gobolada dalka.

Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Goor Dhaw Gabiley.net Office Gabiley