Badhasaabka G.Gabiley iyo G.Dagmada Wajaale ayaa hadhimo sharafeed u Sameeyey Xulalka Kubada Cagta iyo Kollayga ee G.Gabiley

Gabiley (GNN)-Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Iise iyo Gudoomiyaha Dagmada Tog-Wajaale Mustafe ayaa hadhimo sharafeed Lagu Maamuusayo Xulka Gabiley U Sameeyey Xulalka Kubadaha Cagta iyo Kollayga ee Gobolka Gabiley Ka dib markii ay ka soo gudbeen Tartankii Is Reeb-Reebka Kooxaha Gobollada Somaliland kuwaas oo isku diyaarinaya Inay ka qayb-galaan Tartanka Sideeda Kooxood ee ku wada Ciyaari doona Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland.DSC06778

Munaasibadani Qado-sharafta Ahayd oo lagu qabtay Maglada Arabsiyo ayaa waxa kala qayb-Galay Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Gudoomiyaha Geed Balaadh Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale.
Badhasaabka Gobolka Gabiley oo isagu Ka Mida Masuuliyiinta Hadhimo Sharefeedkani Ku Maamusay Xulka Kubada ee Gabiley oo Munasibadani ka hadlay ayaa si wayn u dhiiri-Galiyey Ciyaar Tooyada Xulka Gobolka Gabiley Waxanu kula Dardaarmay inay Mar Kasta Iska Ilaaliyaan Cadhada Waayo buu Yidhi Nin Xanaaqay Laga Badi Akhlaaqduna Waa Shayga Kaliya ee ugu Miihsan Dadkuna Waxay inoo Qirayaan inaynu Sanadkan Akhlaaq Wanaag Gabiley Ku Tagtay Tartankii isreebreebka ee Ka Dhacay Borama kana Soo Noqotay oo Guul Ka Soo Gaadheen iyo goo Wax Xanaaqa iyo Akhlaaq Xumo Ah Lagu Arag Kubada Xulka Gabiley Ciyaarayana Ay Aad U Sarayso Farsamadeedu islamrkana Ay Ka Sii Cabsi Qabaan Gobolka Gabiley Xulalka Ay isku Guruubka Yihiin.
Badhasaabka Gobolka Gabiley isaga oo Hadalkiisa Siiwata Waxa uu Hoosta Ka Xariiqay inuu Sanadkani ay Haystaan Xulka Gobolka Gabiley Maamul isku Duuban oo Gamcaha ishaysta.
Mayaraka Gabiley M/Amiin Cumar Cabdi oo Isaguna Ka Hadlay Munaasibadani Ayaa Sheegay inuu aad ugu Mahad Celinaayo Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Shiine iyo Gudoomiyaha Dagmada Tog-wajaale oo Hadhimo Sharefeedkani Ku Maamuusay Xulalka Gabiley.

Tobobaraha Xulka Gabiley Cabdi Cumar oo isaguna Halkaasi Ka Hadlay ayaa aad ugu mahad Celiyay Badhasaabka Gobolka Gabiley iyo Gudoomiyha Wajaale Waxaanu Sheegay in Sanadkani ay Ka Adag Yihiin Sanadkii hore islamrkana Sanadkan Ay Rajaynayaan inay Koobka Ku Guulaysan Doonaan Hadii illhay Yidhaa.