Ciidamada Jabuuti oo Saylac ka kaxaytay Doonyo Shiidaal sida

Saylac(GNN) Ciidamadda Jabuuti ee ku sugan xeebta u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti ayaa lagu soo waramayaa inay magaaladda saylac ee xeebta ah ka kaxaysteen shan Doonyood oo shiidaal siday, kuwaas oo ku sii jeeday Dalka Yaman.

Doonyaha Shiidaalka siday ayaa la sheegay inay ka keeneen magaalo xeebeeda Berbera, halkaas oo ay uga sii gudbiyaan dhinaca Saylac, hase yeeshee lama garanayo ujeedada ciidamada Jabuuti u kaxaysteen.Sidoo kale, waxa jira Shiidaalo ay
Ganacsatada Reer Saylc ka soo rartaan dhinaca Jabuuti, kuwaas oo iyana kusii nasta ama laga diro magaaladda Saylac illa Yaman.Si kasta ha ahaatee wararka naga soo gaadhaya Doonyahaas ayaa sheegaya inay u rarnaayeen ganacsato Reer Somaliland ah, kuwaas oo shiidaal badan u dira Dalka Yaman, halkaas oo ay dhawaan ka dhaceen dagaalo keenay in shiidaalka looga diro Saylac.
Log11