“Cukuse Waxa Uu Ku Hadlayo Ilmo Caruur Ah Looguma Sheekeeyo” … Cali Guray.

Hargaysa(GNN) Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, Muj: Cali Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse caayay garashada iyo aqoonta ummadda Somaliland.

Mujaahid cali Guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebooka-ga , waxaanu qoraalkaasi oo dhamaystirani uqornaa sidan:-

ILAYN BEENI RAAD MA LEH

Cukuse waxa uu ku hadlayo ilmo caruur ah looguma sheekeeyo. Wuxu caayay garashada iyo aqoonta ummadda Smaliland oo dhan. Waxa hadalkiisu cadayn u yahay in aanu gebi ahaanba ku kalsoonayn jiritaanka qaranimo ee Somaliland balse ay isaga kala muhiimsan tahay tixgelin iyo mudnaana uu siinayo waxa uu ka qabo Xasan Sheekh gooni-isu-taaga Somaliland isaga oo og in sababtu ay tahay keliya Somaliland oon ilaa iyo hadda aqoonsi siyaasadeed ka haysan Beesha Caalamka.

Wuxu hadalkiisa u dhigay in tegitaanka Muqdisho ee dadka uu ku sheegay inay caan ku yihiin Somaliland, Balse aanu kala cadynin ku ah iyo aan ahayn, ay lid ku tahay qaranimada. Somaliland. Taasi waa isaga iyo garashadiisa lakiin waxa la isku hayay waxay ahayd sharciyada xadhiga fanaaniinta Xidigaha Geeska.

Wasiirku muu sheegin haba yaraato eh in xadhigoodu wax sharci ah ku fadhiyo isaga oo hadalkiisu noqonaya qiraal inu ahaa shakhsiga koobaad ee masuulka ka ahaa xadhiga fanaaniinta maadaama uu yahay Wasiirka Warfaafinta kuna xidhay wax isagu uu shakhsi ahaan qabo laakiin aanu wax sharci ah u haynin.

Waxan is leeyahay baroorta wasiirku orgiga ka wayn ee waxa jira wax kale uu ku haystay fanaaniinta balse aanu inoo sheegin. Somaliland hadii ay run tahay inu qof shakhsi ah oo aan cidna metelini oo Xamar tegay ay dhibaato u leedahay dabcan waxa jiri lahaa sharci cad oo Xeer Dejintu ka soo saarto Madaxwaynaha Somalilandna uu digreeto ku dhaqan geliyo hadii loo baahan yahayna wax uu diidani ma jiro lakiin ma jirto ee waa awhaam iyo khuraafaad loogu qiil samaysanaya tacadi ka dhan ah xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka Somaliland ee dastuurka qaranku u damaanad qaaday.

Anshax xumada Cabdillahi maaha mid maanta inoogu horayso ee waa joogto in shaqaalaha Wasaaradiisana ku dheho uu caadaystay inu mar kasta iyo goor kasta ku xadgudbo bahdelo u hanjabo una cago jugleeyo cid ka qabata oo joog tidhaana aanay jirin.

Sidaa daraadeed Cabdillahi Cukuse waxan leeyahay waa maalmo inta kaaga hadhay kibirka iyo faaqa ku lumiyay oo waxa iman maalin aad qoomamayso oo meel ku qaada aad waayi doonto. Saaxiib waxan aad uga xumahay mug yaraan taada oo waxan ku leeyahay AH YARAA INTA AAD KU KIBIRTAY
Gabiley.Net
Gabiley Office