Daawo Fagaarihii Loo Goleeyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Iyo Dhalinyaradda Jaamacadaha

Hargeysa(GNN) Warbaahinta Somaliland siiba ta la iska arko ee Telefishinada, ayaa waxay dhawaanahan bilaabeen dhacdo aad loogu diirsaday oo ugub ku ah degaamada Geeska Afrika iyo guud ahaan qaarada Afrikaba. Dhacdadani waxay dhiiranaan iyo waxbarashaba u tahay siyaasiyiinta damaca ka leh hogaaminta dalka Somaliland, waxa kale oo ay iyana suurtagelisay in jiilasha soo kacayaa ay helaan fursad ay madaxdooda mustaqbalka si fool-ka-fool ah su’aalaha ka dhex guuxaya ay u weydiin karaan.

Haddaba, hanaankan warbaahineed ee ku cusub geyiga geeska Afrika waxa telefishanka Horn Cable maanta marti ugu ahaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu si kal-furnaan ah ugu babac dhigay dhalinta jaamacadaha magaaladda Hargeysa.

Barnaamij oo xiiso badan isaga oo maqal iyo muuqaala halkan hoose ka daawo: