Dugsiyada Umul Qur’aan Oo Munaasibad Maamuus Ah U Qabtay Ardaydii Sannad Dugsiyeedka Dhamaaday Ka Qalin-jabisay Dugsiyadaasi.

Hargaysa(GNN):-Dugsiyada Umul Qur’aan ee magaalada hargaysa ayaa maanta munaasibad u qabtay ardaydii sannadkan ka qalin-jabisay falada afraad iyo siddeedaad ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dugsigaasi.

Munaasibadan oo ka qabsoontay Hotelka Kaah ee Magaalada Hargaysa wax ka soo qayb-galay Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, agaasimaha waxbarashada gaarka ah eee wasaarada waxbarashada Somaliland, Aqoonyahano ka socday qaar ka mid ah jaamacadaha dalka, Waalidiinta ay ardaydoodu wax ka barato dugsiyada Umul Qur’aan, Culimo, Maamulka Iyo Macallimiinta Dugsiyada Umul Qur’aan Iyo Marti Sharaf Kale.

aa

Maamulaha Guud ee dugsiyada Umul Qur’aan Sheekh Maxamed Yuusuf Kaahin oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dugsiyada umul qur’aan la aas-aasay sannadkii 2000-dii kun oo tiro kooban oo arday ah lagu furay balse muddadii uu jiray uu horumar balaadhan sameeyey isagoo ka kooban lix qaybood oo ay ugu muhiimsan tahay qaybta xifdiga qur’aanka kariimka ahi.
Sheekh Maxamed Yuusuf Kaahin Maamulaha Guud ee dugsiyada Umul Qur’aan isagoo ka waramaya ujeedka ay u qabteen munaasibadan ayaa waxa uu yidhi:-“Maanta xafladan aynu isugu nimi waxa weeye xaflad qalin-jabineed oo ah dufcadii lixaad ee dhamaysta fasalada siddeedaad iyo dufcadii labaad ee ka baxda dugsiga saree e Umul qur’aan , ardaydaas maanta oo kaalmo fiican ka soo hooyey imtaxaankii shahaadiga ahaa ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland ay qaaday “.
Maamulaha Guud ee dugsiyada Umul Qur’aan waxa uu intaasi ku daray in ardayda dugsiyada Umul Qur’aan ee sannadkani ay kaalmo wanaagsan ka keeneen imtaxaankan“ardaydeenu kaalmo fiican ayey ka keeneen waxaana ay ku baaseen Grade A iyo B mid saddexaad may lahayn, haddii la qiimayn lahaa oo lagu qiimayn lahaa dhamaanba ardayda dugsiyada dhigata Buundooyinka ay keeneen oo aan lagu qiimayn lahayn arday iyo laba iyo toban arday waxa aan filayaa in aynu noqon lahayn iskuulka ugu horeeya”.www

Prof Cabdisalaan Yaasiin Guddoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Jaamacada Hargaysa oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey ardayda ka qalin-jabisay dugsiyada Umul Qur’aan waxaana uu ku dardaarmay ardayda qalin-jabisay in ay sii wataan waxbarashadooda maadaama oo waxbarashadu ay tahay mid aan dhamaan.
Prof Maxamed Aw Daahir oo ka mid ah hormuudada kulliyadaha Jaamacada Hargaysa oo halkaas hadal qiimo badan ka soo jeediyey ayaa sheegay in loo baahan yahay in waalidku ay ka war hayaan waxbarashada ubadkooda isla markaana ay mar kasta xidhiidh toos ah la yeeshaan macalimiinta si loola socda hadba halka ay marayso waxbarashada ardaygu.
Guddoomiyaha Degmada Sabo-wanaag Cali Hugur Dalal oo ku hadlayey afka waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan dugsiyada Umul Qur’aan ayaa bogaadiyey maamulka iyo macallimiinta dugsiyada Umul Qur’aan sida qiimaha badan ee ay ubadka wax u baraan waxaana uu si qoto-dheer uga waramay kaalinta ay habluhu kaga jiraan qoyska iyo waxbarashada dalka.
Muuse Maxamed Shide Agaasimaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta saree e Somaliland oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa maamulka dugsiyada Umul Qur’aan ku amaanay si wanaagsan ee ay u fuliyaan amarada ka soo baxa Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland iyo sida ay xidhiidhka dhaw u la leeyihiin“Waxa aan aad iyo aad ugu farax-sanahay maanta xafladan sida qiimaha iyo qaayaha leh loo soo agaasimay in aanu idinka kala soo qayb-galno, waxa kale oo aan aad ugu mahad-naqayaan dugsiyada umul qur’aan sidii ay u fuliyeen ee ay u maqleen baaqii iyo wareegtadii ka soo baxday wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee ahayd in dugsiyada marna la wada xidho marna la wada furo”.

Muuse Maxamed shide waxa uu sheegay in badashada goobaha waxbarashada ee dalku ay sabab u tahay nabbada aynu haysano taas oo sahashay ay bataan jiilkii wax baranayey, waxa uu intaas ku daray in si loo helo ubad baariya oo dalka anfac u yeesha in waalidku uu la saaxiibo ubadka marka ay yar yihiin.

aa

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland oo Munaasibadaasi loo qabtay ardaydii sannadkan ka qalin-jabisay Fasalada Afraad iyo siddeedaad ee dugsiyada Umul Qur’aan soo gabagabeeyey ayaa xusay in uu ka mid yahay shakhsiyaadka xidhiidhka dhaw la leh dugsiyada Umul Qur’aan isagoo hambalyeeyey ardayda munaasibadan lagu sharfay , waxa uu intaas ku daray in maamulka dugsiyada Umul Qur’aan ay si gaara u la socdaan waxbarashada ardayga iyagoo haddii waxbarashada ardaygu uu sag-saago ay si toos ah ula soo xidhiidhaan waalidka ardayga si ay ula socodsiiyaan xaalada waxbarasho ee ardaygiisa.

Macallin Cabdinaasir Cabdi Yaasiin oo ka mid ah Macallimiinta dugsiyada Umul Qur’aan ayaa isna munaasibadaasi ku soo bandhigay tix gabay ah oo ka hadlaysa dhibaatada bulshada uu ku hayo qaadku , Cabdiqani Cali Xaaji Muuse oo ka mid ah ardayda qalin-jabisay ayaa isna halkaasi ka jeediyey kalmad ka hadlaysa qiimaha cilmiga sidoo kale qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Umul Qur,aan ayaa halkaasi ku soo bandhigay suugaan ay ku cabirayaan meeqaamka waxbarasho ee dugsigooda.

Gabagabadii waxa maamulka dugsiyada Umul Qur,aan ay jaaisado kala duwan guddoonsiiyeen qaar ka mid ah ardaydii kaalmaha hore u gashay ardayda qalin-jabisay halka sidoo kale ay ardaydu Maamulka Iyo Macallimiintii wax soo bartay ay ku Maamuuseen Shahaado Sharafyo.
Gabiley.Net
Gabiley Office