Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland + VIDEO.

Nairobi(GNN) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya Willy Mutunga ayaa xafiiskiisa Maxkamadda Sare ee Nairobi ku qaabilay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, sida lagu baahiyey Mareegta ay waaxda Garsoorku leedahay ee http://www.judiciary.go.ke.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya waxa uu Guddoonsiiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Dastuurka Dalkaasi, Xeerka Garsoorka iyo xeerka guddida Cadaaladda, kadib markii uu u fidiyey soo dhaweyn diiran oo ay ku qaateen Xafiiskiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa dalka Kenya kaga qayb galay laba tababar oo muhiim ah, waxaanu mudadii uu ku sugnaa tababarkaasi balanqaadka kulankan ka helay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo qayb ka ahaa tababarka.

 

Log11