Gudoomiyah Xisbiga Waddani Oo Soo Dhaweeyey Hanaanka Dib Habayneed Ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ku Wado Bahda Cadaalada

Hargeysa(GNN):-Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Ahna Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa si weyn u soo dhaweeyey hanaanka dib u habayneed ee gudoomiyaha maxkamada sare ka wado bahda cadaalada.

waa

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal kooban oo uu arintaas kaga hadlay soo dhigay Bogiisa Facebook ayaa waxa kale oo uu soo dhaweeyey inay xoriyadooda dib u helaan xubnihii ka xidhnaa hobolada xidigaha Geeska.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan “Waxaan u mahadcelinayaa Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil oo amray in lasii daayo Xubnihii Xidigaha Geeska ee sida sharci-darrada ahaa ugu xidhnaaHargeysa.
Garsooruhu wuxuu ku dhiiraday goaan geesinimo leh oo sharci ah”

Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo isbadalka horu marineed ee uu gudoomiyaha maxkamada sare ka wado bahda cadaalada dalka waxaanu yidhi “
Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed oo dib-u-habayn & isbedel wacan ku wada Garsoorka dalka & in shacab la mariyo habka dacweynta MADANIGA ah.
Gabiley.Net
Gabiley Office