Hanka Iyo Hiigsiga Samaale Saaka Muu Bilaabmin!…W/Q:- Abdi Wahaab Mohamed

Hargeisa(GNN):-Cabdi casiis maxamad samaale waxa uu ka mid yahay siyaasiinta miisaanka kule dalka gaar
ahaan xisbu xaakimka kulmiy.. waxana uu ka midyahay murshaxiinta ugu cadcad ee isku
diyaarinaya tartanka  golaha dhexe ee  xisbiga kulmiye.

Qormadan aan ugu  magacdaray ( HANKA IYO HIIGSIGA SAMAALE SAAKA MUU

BILAABMIN)…………………………

Waxaan ku iftiimin doonaa  sooyaalkii siyaasadeed ee uu soo maray (SAMAALE) waxaan ka

istaagi doonaa dhinacyo kala duwan..
Xiligii lagu jiray halgankii dib loogu xoraynayay dalka waxa uu  ahaa SAMAALE gudoomiyaha
jaaliyada ee dalka yeman, waxana uu ka qayb qaatay dhaqaalihii lagu maal galinayay
halganka.sidoo kale waxa uu gacan ka  gaystay in dalka yeman lagu xanaaneeyo dhakhaatiir

fiicana ay halaan dhaawacii ragii ku dhaawacmay halganka.

SAMAALE.waxa uu ka qayb qaatay nabadayntii iyo  xalintii dagaaladii  sokeeye  ee 90kii ka

dhacay dalka sidoo kale waxa uu ka qayb qaatay hubka dhigistii beelaha iyo dib u

DHANKA HORMARINTA IYO WAXBARSHADA:-

SAMAALE.waxa uu ka qayb qaatay hormarinta bulshada waxa uu hormuud ka ahaa

aasaasayaashii ischoolada caanka ah ee ILAYS xili ay bulshadu ubaahnayd.. sidoo kale waxa uu

aasaasy xiligaa dugsi lagu barto farsamada gacanta ayna ka qalin jabiyeen dad aad ubadan oo

manta xirfadooda ku shaqaysta…

Waxa uu hormuud ka ahaa ragii dib uhabaynta ku sameeyay jaamacada hargaysa

…………………………………

Taariikhdu markay ahayd 2002 SAMAALE waxa uu ahaa shirgudoonkii  shirkii golaha dhexe ee

xisbiga kulmiye laguna dooranayay murshixii xisbiga ee  xiligaa oo ah madaxwaynaha hada

talada dalka haya………….. sidookale waxa uu ahaa madixii ololaha xiligii xisbiga  kulmiy uu

ku jiray ololihii adkaa ee uu ugu jiray qabashada hogaanka dalka..

Taariikhdu markay ahayd 2003 waxa uu SAMAALE isku soo taagay inuu utartamo tartankii

golaha wakiilada waxana uu kamid noqday xubnihii ugu cadcadaa uguna cododka badnaa isla

xiligaa waxa uu marlabaad isku sharaxay shirgudoonka golaha wakiilada waxana uu noqday

gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada waxa laggu xusuusan karaa intii uu

shirgudoonka ahaa wax khilaafii kamuu dhicin golaha haba yaraatee .

Taariikhdu markay ahayd 2013 waxa uu SAMAALE noqday wasiirka wasaarada maaliyada

waxana uu xaqiijiyay intuu ahaa wasiirka waxyaaba badan oo kamida balan qaad yadii

xukuumada.. sidoo kale waxa sare u qaday  miisaaniyada iyo dhaqaalaha dalka guud

ahaan..xiligaa uu hayay xilka wasaarada waxa uu samaale horgeeyay golaha wakiilada lix xisaab

xidh waxayna gudoonsiiyeen goluhu shahaado sharaf aay ku maamuuseen

Taariikhdu markay ahayd 2015 SAMAALE waxa loo magacaabay  wasiirka waxbarashada iyo

tacliinta sare wuuna ka cudur daaratay sababo isaga khuseeya iyo mustaqbalkiisa iyo hiigsigiisa

Waxa lagu xusuusan karaa xiligaa uu ka cudur daartay ama uu diiday inuu qabto xilka wasaarada

waxbarashada sidii sharfta iyo karaamada lahayd ee uu ugatagay isagoon caytamin af xumana

samayn sida lagu yaqaan siyaasiyiinta marka xilka laga qaado inay afka furtaan ….. waxayna

arintaasi kor uqa aday milgihiisa iyo sumcadiisa waxana uu ku kasbaday taageero farabadan…..

SAMAALE Maantana waxa uu  taaganyahay isaga oo isku kalsoon tartanka murashaxa

madaxwaynaha ee xisbiga kulmiye oo lafilayo inuu dhawaan qabsoomo …HADABA HANKA

IYO HIIGSIGA SAMAALE SAAKA MUU BILAABMIN!!!  LASOCO qaybta dane

Qalinkii: Cabdiwahaab Maxmed mawlid