Hawda Somaliland iyo Somaliya oo la Sheegay inay Sannadkii ka soo Xarooto Lacag badan.

Muqdisho (GNN) Dawlada Somaliya ayaa Dhawaan magaalada Muqdisho ka dhagax dhigtay dhismaha xarun ay ku sheegen in ay saldhig u noqon doonto in hawda Somaliya laga hago, waxa kale oo ay sheegen in Hargeysa laga dhisidoono xarun kale oo lagala socondoono Hawda Somaliya, inkasta oo Somaliland aanay illaa wakhtigan ka jawaabin warkaasi ka soo yeedhay Somaliya, balse waxa markii ugu horeysay ka hadlay Xidhibana ka tirsan Dawlada Somaliya oo ah Guddoomiya guddiga Howlaha guud ee Baaralamaanka(Tamarta, garoomada, Dekadaha iyo Gadiidka) Xildhibaan Cabdirashid Cabdullahi Maxamed waxaanu soo badhigay lacagta ka soo baxda Sannadkii Hawda Somaliya waxaanu ku sheegay in ay dhan tahay 20 Milyan oo Dollar, waxaanu tilmaamay in marka laysku geeyo shan iyo laabtankii Sanno ee Somaliya dawlad la’aanta ka jiray ay ka soo xaroortay lacag dhan 400 Milyan isla markan loo bahan yahay lacagtaasi la soo ururiyey in dib loogu soo wareejiyo Somaliya.

Xildhibaan Cabdirashid waxaa kale oo uu sheegay  in dowladda Somaliya aanay heyn Wadadii ay ku soo celin laheyd hawada Soomaaliya, iyadoo horay u sheegay in hawada la soo celin doono January 2014, hadana uu sii dhamaanayo 2015, isla markana xarunta la dhagax dhigay waxb aaanay soo kordhinayn.Xildhibaanka waxaa uu soo jeediyay in si fiican looga shaqeeyo sharciga duulista Hawada, sida sharciyada Control iyo sharciyada kale iyo in ay shaqeyso hay’adda duulista oo hadda Magac u yaal ah.Xildhibaanka ayaa is weydiiyay sida Hargeisa looga dhisayo goob laga maamulo Hawada xili Somaliland ay tahay Dawlad aka madaxbaan Somaliya isla markaana aanay Hargeysa tagi Karin Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka midna.Arinta dhaqaalaha ka la aruuriyay Hawada 20kii sano ee la soo dhaafay waxaa uu sheegay in 20 Milyan ka soo xaroon jiray sanad walba, marka la isku darana uu ka badan yahay 400 Milyan, Lacagtaas wax laga hayo Ma jiraan sida uu sheegay Xildhibaanka.
Log1