Isku Aadka Wareega Labaad Ee ciyaaraha Gobolada Oo La Soo Saaray Iyo Wasaarada Oo Aan Wali Ku Dhawaaqin Wakhtiga Ay Bilaabmayaan

Hargeysa(GNN):-Waxa la soo saaray isku aadka wareega labaad ee ciyaaraha gobolada somaliland ee ka qabsoomi doona caasimada Hargeysa.

Wareega labaad ee ciyaaraha gobolada oo ka qabsoomi doona magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb gali doona sideed gobol oo ka soo baxay wareegii hore ee is reeb reebka, kuwaas oo kala ah Xaysimo,Saaxil, Awdal, Sanaag, Sool, Hawd, Gabiley, Daad-Madheedh.

Sideeda gobol ee ka qayb galaya wareega labaad ee ciyaaraha gobolada ayaa iskugu beegan sidan

Group A Group B

Xaysimo Gabiley

Saaxil Daad Madheedh

Awdal Sool

Sanaag Hawd

Dhinaca kale Wasaarada ciyaaraha somaliland ayaan ilaa hada ku dhawaaqin wakhtiga rasmiga ah ee ay wareega labaad ee
ciyaaraha goboladu ka bilaabmayaan caasimada Hargeysa, iyada oo la rajaynayo inay dhawaan caasimada soo gaadhaan gobolada ka qayb galaya wareega labaad ee tartanka.

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE