Sadexda Musharax iyo xubnaha hogaanka ah ee isku garabka ah ayaa Madaxweyne ku-xigeenka ugu hanjabay haddii uu joojin waayo talaabada ay isaga iyo kooxdiisu ku dhaqaaqeen inay garab ahaan ka tashan doonaan isla markaana uu xisbigu si weyn ugu qaybsami doono arrintaas, taasoo keeni doonta cawaaqib xumo uu masuuliyadiisa qaado.
Wararka xog ogaalka ah ee ka soo baxay kulankaas ayaa sheegaya in uu Madaxweyne ku-xigeenku arrintaas garawsaday, isla markaana uu joojinayo, hase yeeshee ilaa hada lama hayo war cad oo ka soo baxay, waxaanay taasi keentay inay guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye oo u badan garabka ka soo horjeeda Saylici iyo Guddoomiyaha Kulmiye ay xalay shir deg deg ah isugu yimaadeen, iyadoo la filayo inay qaataan go’aan ka soo horjeeda kooda. Kulamadan ayaa ka dhashay baaq uu xoghaya guud isugu yeedhay Golaha Dhexe, waxaanay u muuqdaan kuwo dhaliyey dareen ah in la garab ka mid ah garabyada kulmiye af-duubtaan shirka Golaha Dhexe oo lagu dooran doono Musharaxa Xisbiga Kulmiye u tartami doona doorashada Madaxtinimada ee soo socota.