Loolanka Musharaxiinta Xisbulk Xaakimka Kulmiye Oo Maraya Meel Xasaasiya , Garabka Siyaasiyiinta Maxamed Biixi Yoonis, C.casiis Samaale Iyo Kijaadhe Oo Dhinaca Isugu Biyo Shubtay.+Sawiro

Hargeisa(GNN):- Waxaa Maanta Hotel Guuleed Casuumad Isugu Yimid Saddexda Musharax Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii Hore Wasaarada Maaliyada C.casiis Samaale, iyo Kijaandhe Oo isu Dhinac Ah Waxaa Munaasibada Qado Sharata Ah Ay Ku Martiqaadeen Badiba Xubno Ka Tirsan Golaha wasiirada Agaasimayaal Guud Salaadiin Cuqaal Iyo Waxgarad Tiro Badan, Waxaana Munaasibadan oo Markii Hore Loo Qorsheeyey Inay ka Dhacdo Hotel Maansoor, Ay Suuto Gal noqonwayday kadib markii ciidamo RRu ah la Dul Dhigay Mulkiilaha Hotelkana Amar lagu Siiyey Inaaney Cidi Waxba Ku Qaban Karin, Waxaana Arintaasi oo uu ka danbeeyey wasiirka wasaarada ariimaha gudaha somaliland cali maxamed warancade oo amar ka helay madaxweyne ku xigeenka somaliland kadib ay u suurto gashay inay yimaadaan hotel guuleed oo mulkiilaha hotel mr cali uu ciidankii uga balan qaaday inaaney wax buuq iyo rabshad ahina ka dhici doonin haddii rabi idmo,10354091_885431751546869_3697721405172450021_n

11222007_885431331546911_6566179910542519112_n

12106729_885431198213591_8431441588178480667_n

12118964_885431374880240_5686903197252866258_n

12140573_885431141546930_6704184193009689256_n

12144952_885430841546960_5062482042225314447_n
Salaadii Duhur kadib Buuq Iyo Sawaxan Badan Oo Hadheeyey Hotelka Kadib Waxaa Madasha Soo Galay Musharaxiintan Isku Lamaaan oo Ay Weheliyaan Xubno aad U Tiro Badan oo Wasiiro Ah, oo Ay kamid Ahaayeen Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland, wasiirka wasaarada cadaalada somaliland, wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta somaliland, wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta, wasiirka wasaarada kaluumaysiga somaliland, qaar kamida xildhibaanada golaha wakiilada somaliland saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumada somaliland, sidoo kale waxaa iyaguna ka dhexmuuqday xubno ka tirsan golaha guurtida somaliland oo uu ugu horeeyo Xoghayaha Guud ee Golaha C/laahi Dheer.10154530_885430944880283_4993342676274468645_n

10354091_885431751546869_3697721405172450021_n

10394497_885430791546965_7361235234102515379_n

11222007_885431331546911_6566179910542519112_n

11254397_885431234880254_7231443147838958254_n

12072736_885430931546951_7179232559544349637_n

12072777_885431688213542_3132993861393450867_n

12075037_885430991546945_4068656573828595050_n

12088384_885430894880288_289834420623398776_n

12105796_885431144880263_2864215117388305423_n

12107892_885431534880224_3774415534239827616_n

12108781_885431604880217_7835744379057646461_n

12144952_885430841546960_5062482042225314447_n
isku soo duuduuboo Munaasibad Markii ay Khudbadahu Bilaabmeen Ayaa Waxaa Xidhiidhinaayey wasiirka wasaarada kaluumaysiga somaliland isagoo halkaasi ugu horay kasoo jeddiyey khudbad dhee oo dhinacyo badan taabaneysa, sidoo kale mr Xinif oo Ku Hadlayey Afka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Lagu Soo Dhaweeyey madasha ayaa hadal Dheer uu Madasha Ka Jeediyey Kaga Soo Hor Jeestay In Jaamac Shabeel Aanu Ahayn Hogaanka Golaha Dhexe Ee Xisbiga islamarkaana Uu Wakhtigiisii Dhammaaday 2008,
Wasiirka Wasaarada Cadaadalada Somaliland Oo isna Hadalka Qaatay Ayaa Martida Ugu Mahad Naqay Sida Wanaagsan Ee ay uga soo qayb galeen xafladan ay isku muujinayaan buu yidhi musharaxiinta xisbul xaakimka kulmiye, waxaa uu ku dheeraaday ka wasiiro ahaa cida ay iyagu taageersan yihiin ee ay ku dabo faylayaan inay yihiin saddexdan siyaasi ee musharaxiinta ah,
Waxyaabaha Layaabka Leh Ee Madasha Lagu arkayey Ayaa ahayd In Shaqsi Kastaa aanu kala Qaadayn Murashaxiinta Islamarkaana Ay Sheegayeen Inay Dhammaantood Taageersan Yihiin,

Xubno Aad U Tiro Badan Oo ka Hadlay Madashan Wax Yar kadib ka Daawo Muuqaalkood oo Dhammaystiran Shabakada Wararka Gabiley News Network