Ma Aha In Koobka Ciyaaraha Goboladu Inooga Ekaato Qabyaaladii Oo Koob Loo Dhigay…..Abdikariin Ahmed Mooge

Hargeysa(GNN):-Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah xubnaha ugu fir fircoon ee u ololeeya cidhibtirka qabyaalada ayaa ka hadlay tartanka ciyaaraha gobolada somaliland oo u muuqda mid qabyaalada sii hurinaya.

Cabdikariin Axmed Mooge oo qoraal uu arintaas kaga hadlayo soo dhigay bogiisa uu ku leeyahay Facebook ayaa fariin u diray guud ahaan shacabka somaliland, isaga oo kula taliyey inaanay gobolada ku kala taageeran qabyaalad balse ay u eegaan xirfadooda kubada cagta iyo aqkhlaaqdooda.

Sidoo kale waxa uu fariin u diray masuuliyiinta wasaarada ciyaaraha somaliland, kuwaas oo uu u soo jeediyey inay ganaax dul dhigaan gobolkii ay taageerayaashiisu muujiyaan ficilo qabyaaladeed, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa “Ma aha in koobka ciyaaraha goboladu inooga ekaado “QABYAALADII OO KOOB LOO DHIGAY” ku tageer
gobolka aad jeclaato ciyaartooda, akhlaaqdooda, diraysqaadkooda IWM, ha laga daayo ciyaaraha qabyaalada oo halagu doono ciyaaraha gobolada midnimo iyo dhexgal-bulsho. sidoo kale waa in masuuliyiinta wasaarada ciyaaruhu soo rogaan ciqaabo/ganaaxyo ka dhan ah gobolka ciyaartoygiisu ama tageerayaashisu mujiyaan ficilo qabyaaladeysan.”
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE