MAAMUL WANAAGA KA HANAQAADAY DEGMADA TOG-WAJAALE,WAA MID AAN CIDNA QARIN KARAYN……..Odayaasha iyo waxgaradka Reer Wajaale

Wajaale(GNN) Tan iyo intii Maamulka Degmada Tog-Wajaale loo soo magacaabay dhalinyarada Aqoonyahan ka ah, ee Maamulka gacanta ku haya ayaa ah, kuwo ay Dadweynaha degmadan ku dhaqani u Riyaaqeen Habsamida Hogaamineed ee ay ku Hogaaminayaan Degmadan,waxaanan ka Markhaati nahay hadaan Odayaasha iyo waxgaradka Wajaale nahay,Sida Firfircoon ee ay u wadda shaqaynayaa Maamulka Wajaale iyo la Tashiga joogtada ah Ee ay la leeyihiin Waxgaradka iyo Dadweynaha ku dhaqan Degmadan,taasi oo dhaxalsiisay inay Horumar badan ku Talaabsadaan Mudadii yarayd ee ay Xilka hayeen,Kuwaasi oo ah kuwo Isku duuban wadda Shaqaynta dhexdooduna waa mid ku Dayasho Mudan soona jiidatay Indhaha dadka ay Xukumaan,waana mid aan uga Mahadnaqeyno Maamulkan dhalinta Yar Ee Magaalada Xukuma Iyo cidii soo Magacawdayba Ee Deg-madan u soo xushay dhalinyaradan Himilada ku abuurtay Dadkii Deegaankan.
Hadaba waxaa Nasiib darro ah,in dadka sidaa aan ku soo sheegnay looga Markhaati kacayo Wanaaga ay Degmada u Horseedeen,In dhalinyaro Magaca Saxaafadda ku Maxaafsanaya oo Aan Saxaafadda ka mid ahayn,ay Burush Xaarle ay Marmariyaan Sumcada iyo Sharafta Masuuliyiinta Degmadan,Waxaanan u sheegaynaa inaanay Waxba Yeeli karin Karaamada Masuuliyiinta Degmadan.

Annagoo ah Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Tog-Wajaale,Waxaan Digniin u diraynaa Dadka sida Qaldan u dhaqmaya,inay Joojiyaan habka Quracan Ee ay Wax u Wadaan,Waanan Taageersanahay Talaabo kasta oo uu Maamulka Magaaladu ka Qaado dadka sida Xagxagashada ah u dhaqmaya Ee aan Damiir Binu-Aadanimo Aanu ku jirin.

 
Waxaan Sheegaynaa gaar ahaan Gudoomiyuhu inuu yahay Mid dhexdhexaada oo dhex u ah Dadweynaha iyo Ganacsatada kala duwan ee ka Ganacsada Magaalo Ganacsiyeedkan Wajaale,Waana Masuul ku Caan baxay Wanaag iyo Firfircooni iyo Dadaal isdaba jooga oo uu Ugu jiro Siduu ku Xaqiijin lahaa Horumar balaadhan oo ka Hirgala Degmadan uu Madaxda u yahay,Waana Mid aan ku Garab Taaganahay Waxqabad kasta oo uu ku Talaabsado Gudoomiyahan aanu Mahadinay.
Digniin waxaan u diraynaa Cid kasta oo ka Xun Horumarka ka socda degmadan oo ah mid muddo badan ay Naawilaayeen Dadka ku dhaqan Degmadani,Taasi oo uu imika Muuqdo Ifafaalaheedii, Wax ka Midana hadda Goob joog laga wadda yahay.

Isweydiini Kama Taagna in Marka Kuwa Miyirka Qabaa Dulmigooda La Xasuusiyo, ee Wax laga Soo Hadalqaado in ay Ku Waalan Kuusoo Dirayaan, waxa nasiib daro ah in Wiil mudo badan xanuun maskaxeed qabaa uu Maamulka Tog-Wajaale cid isku sawirtey u isticmaashay Sawirkiisa kaas oo saqiir iyo kabiir Reer Tog-Wajaale wada garanayaan islamarkaana, Magaciisa ku Sheegay Khadar Cabdi Cabdilaahi,(Khadar cunto-weyne), waxa lawada ogyahay qof kasta oo Reer Wajaale ahi wuu garanayaa ka aan garaneyna loo sheegi maayo waxa cad in wiilkaa yar ee Caafimaadkiisu dhiman yahay ay rag ku daba gabanayaan illaahay ayaa, kala xisaabtami doona loona raaci maayo in lagu sawirey fadeexado ay Maamulka Wajaale ladaba socdaan shakhsiyaad badan oo Yeey iyo Yaxaas is huwan oo Rubuc Ku Dagaalana balse, si axmaqnimo ah u cunay Degmada maantana ay muuqdaan lafihii ay ka feenteen iyadoo waxqabad iyo hurumar laga sugayay ay dadweynaha ka ururiyeen iyo Ganacsatada lacag aan maanta raad ka joogin hadana waxa cad in Maamulka Degmadu kala bartey xiligan Bulshada shakhsiyaadkeeda Xun iyo qof kasta oo wanaagsan oo Wajaale lexejeclo abiidan ahi kaga jirto hadii cidi wax qabatey oo ay inuun raad leedahay waxa in la taaban karo yar qabtey nimankii Xabaalaha kasaarey Wadada oo aan iyaguna dhismihii dambe si fiican u dhigin, hadaan Degmada laga horjoogsan Yeeyda usoo mici lisanaya waxay ku dambeyn doontaa Meel bilaa Aayo ah.

 

GABILEY.NET

WAJAALE OFFICE