Maamulka Muqdisho Oo Shirkad Shidaal Kula Heshiisay Dhul Somaliland Ku Yaalla.

Hargeysa(GNN)- Qaramada midoobay ayaa aragtay Email xukumadda Somalia shirkadda Salliidda soo saarta ee ConocoPhillips Liisan ugu siisay Aagaga shidaal oo ku yaala Somaliland iyo maamulka Puntland.

Kooxda la socodka cunaqabaynta hubka Somalia iyo Eritrea(Monitoring group), ayaa qayb ka mid ah warbixinta ay soo saartay 19-kii bishan oo ciwaan looga dhigay in Somalia bixinayso Liisamada Shidaalka ee dhul Somaliland iyo Puntland ku yaala. Waxayna kooxdu walaac ka muujisay isku dayga xukumadda Muqdisho ku doonayso inay Baloogyo ku yaala Somaliland kula heshiisyo shirkaddo shidaal.

Heshiisyada ayaa ku saabsan koontaraagyo shirkaddo shisheeye la galeen xukumadda Somalia intii ka horaysay 1991-kii, kuwaasi oo ay Somalia doonayso inay dib ula bilawdo shirkaddahaasi,balse Somalia ayaan maamulkeedu gaadhsiisnayn meelaha ay heshiisyada la galayso.

“ The Monitoring group, waxay si aad ah uga walaacsan yihiin in xaaladda ammaan iyo nabad galyo ee wakhtigan, in dawladda Somalia wasaaraddeeda Badroolka iyo macdantu isku dayayso inay dib u bilawdo heshiisyadii ka horeeyay dagaaladii 1991 ee shirkadda weyn ee shidaalka ConocoPhillips, meelahaasi oo hadda ku yaala Somaliland iyo Puntland,” ayaa lagu yidhi warbixinta iyadoo intaasi raacisay in gobolada Sool iyo Sanaag ay ku yaalaan meelaha shirkadda lagula heshiiyay.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu yidhi “ Kooxdu waxay aragtay Email ku taariikhaysan 25, August, 2014, kaasi oo ka yimid agaasimaha sahaminta ee wasaaradda Badroolka iyo macdanta Somalia, Cabdillaahi Abiibakar Xuseen, loona diray Kay Larcom, maareeyaha ConocoPhillips. Email-ku wuxuu ku saabsanaa kulan ka dhacay Washington 8, August, 2014 oo ay wada yeesheen wasaaradda iyo Kay Larcom, waxaanay wasaaraddu balanqaaday inay go’aansatay inay ConocoPhillips kala shaqaynayso heshiisyadii ka horeeyay 1991-kii ee waqooyiga iyo waqooyi bari Somalia. Waxay waqooyiga uga jeedaan Somaliland, waqooyi barina Puntland,” ayaa lagu yidhi warbixintan.

Monitoring group, waxay intaasi ku dartay inay aad uga walaacsan tahay qorshahan Somalia, iyadoon la samayn heshiisyo ama is fahan u dhexeeya Somalia iyo maamuladeeda kale iyo sidoo kale iyadoon la samayn hay’addo dawladeed oo xoog leh iyo shuruuc lagu maamulo khayraadka Somalia ee Badroolku ka mid yahay.

Warbixinta ayaa u muuqata mid qaramada midoobay garowsan tahay sida aanay Somalia lug ugu lahayn aayo ka tashiga Somaliland, maadaama ay tan iyo 1991-kii kala maamul ahaayeen Muqdisho iyo Hargeysa, waxayna kooxdu walaac badan ka muujisay qorshaha aan macquulka ahayn ee ay wado.

Log1