Madal Kulmisay Siyaasiyiin Rugcadaaya, Xubno Wasiiro Ah, Culimo Iyo Aqoon Yahan Oo Lagaga Dhawaaqay Jaamacada Marodijeh International University +Sawiro

Hargeisa(GNN):-Munaasibad balaadhan oo lagu qabtey hotel maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa  lagu shaaciyey  in dalka laga furey  jaamacad cusub oo loogu magac  darey Marodijeh International University1(614).jpg

12(209).jpgXafladan shaacinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro , Xildhibano , Masuulyiinta Xisbiyada Mucaaridka , Qaar Ka Mid Ah Madaxda Jaamacada Dalka Ka Jira , Culmo Aw Diin Iyo Masuulyiin Kale14(154).jpg

18(94).jpg

16(124).jpg
Ugu Horeyn waxaa Madasha Ka Hadley Gudoomiyaha Jamacadaasi Prof. Cabdi Xussen Gaas Waxaana uu sheegay in u jeedka jaamacadan loo sameyey ay2(563).jpg 1(614).jpg
“Dhamaan marti sharafta ka soo qeyb gashay xafladan lagu shaacinayo jaamacadan cusub waan u mahad celinayaa runtii jaamacadan waxaa nagu kaliftey in aan dalka ka furno anaga oo rabna in aanu ka wax ka qabano baahida waxbarasho ee dalka ka jirta

Xaqiiqdii dalka waxaa ka jira jaamacado faro badan balse waxaa aanu ku da dali doona sidii aanu u buuxin laheyn waxii ka dhiman jaamacadaas dalka hore uga jirey “ ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacada Marodijeh International University . Prof.Cabdi Xussen Gaas .
Sidoo kale waxaa iyaguna dhinacooda ka Hadley masuulyiin kala duwan oo ay ka mid yahiin gudoomiye ku xigeenka xisbiga waddani Axmed Muumin Seed , Sheikh Aadan Siiro , Prof.Bulxan , Cabdikariim Axmed Mooge, Prof. Xujaale iyo masuulyiin kale waxaana ay dhamaantood ay ku dar daareen maamulka cusub ee jaamacada in ay noqdaan qaar waxtar ku soo kordhiya qaabka waxbarsho ee dalka sidoo kalana waxaa ay u soo jeediyeen in jamacadan cusbi ay dalka keento qab waxbarsho oo dalka iyo dadkaba anfacaya
Cabdicasiis maxamed samaale wasiirkii hore ee wasaarda maaliyada somaliland oo ka mid ah masuulyiintii madasha ka hadashay ayaa waxaa uu hanbalyeeyey maamulka iyo macalimiinta jaamacadan cusub ee maanta la shaaciyey waxaana uu ku dar daaray in ay ku dadaalan sidii ay u hawl gali lahayeen in ay soo saaran ardey dalka iyo dadka wax u qabta isla markaana ka dheer qabyaalada waxana u yidhi “ waxaan leeyahay maamulka jaamacadan cusub marka hore hanbalyo jaamacaduhu dalka door mihiim ah ayey kaga jiraan waxaana mihiim ah in aad ku da daashan sidii aad u soo saari laheydeen ardey dalka wax u tarta oo ka dheer qabyaalada dalkeeni waad ogtihiin oo qabyaalad ayaa ina xushey ee ka dheerada qabyaalada “ ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasarada maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale .2(563).jpg20(86).jpg

Hargeisa Gabiley News Network

Hargeisa Staff