Madaxwaynaha Jabouti Oo Dalalka Reer Galbeed Ku Eedeeyay Inay Argagixisada Qayb ka Yihiin.

Jabouti(GNN)-Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka Qayb-galay shir lagu qabtay New York oo lagaga Hadlayay Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka Dagaallama Caalamka, Sida Kooxda ISIS iyo Al shabaab ayaa Sheegay in Xag-jiriintu ay bedeleen xeeladahoodii ayna billaabeen inay Cabsi-geliyaan Shacabka ku nool meelaha ay ka taliyaan.

Madaxwayne geelle  ayaa dalalka reer galbeedka ku eedeeyay inay qayb yihiin sidii ay dhallinyaradu ugu biiri lahaayeen kooxaha xagjiriinta ah, isagoo xusay in marka ruux lagu dhibaateeyo Diinta uu haysto ay khasab ku noqonayso inuu Xagjirtiin ku biiro oo uu miciin bido.

Kooxaha Miditiinta ahi Waxay billaabeen inay Xeelado cusub Adeegsadaan; taas oo ay Dadka ku Dhibaateynayaan. Waxaan idiin sheegayaa in xisbiyada ka jira Dalalka Yurub qaarkood inay lug leeyihiin dhallinyarada xagjiriin ku biiraya,” ayuu yidhi Geelle.

Wuxuu intaas ku daray. “Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaan idiin sheegayaa in Diinta Islaamku aanay ahayn argagaxiso. Marka Qof islaam ah la qabto ma ahan in lagu sifeeyo argagaxiso. Sidaa daraadeed waa inaad dadka Islaamka ah ka deysaan cadaadiska.”

Jabuuti ayaa waxaa kaga sugan Somalia Hal Guuto oo Ciidammo ah kuwaasoo Qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia AMISOM, iyagoo ka howlgala Gobollada Dhexe Gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

 

 

Gabiley News Network

Jabuuti Staff