Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inay Umada Usoo Bandhigto Wadahadalada Dhinaca Hawada Ee Somaliland Iyo Somalia.

Hargeisa(GNN):- Daauud Abiib Axmed Oo Siyaasinta Ku Abtirsada Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani gaar Ahaa Gobolka Gabiley Ayaa Warbixin Uu soo saaray oo soogaadhay shabakada wararka gabileynews xukuumada somaliland ugu baaqay in wixii wada hadal ah ee ay la yeelato ama dhexmara dawalada somalila ay shacabkii reer somaliland ee mawqifka kaliyaata ka lahaa jiritaanka somaliland usoo bandhigto sidii xukuumadahii ka horeeyey, Alle Haw Naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Ayaa Lagu yaqaaney In Wadan Kasta oo ay is horfadhiistaa waxa ay ka wada hadlaan uu shacabka somaliland taako taako ugu sharaxi jiray meel kasta oo uu joogo,
Waxaa Dhawaan Xukuumada Somalilland Masuuliyiinteed U Qaabilsan Dhica Hawadu Sheegeen In Ay Wadahadal Somalia kala yeelanayaan Dhinaca Maamulka Hawada, ilaa hadda se ma jiro wax shacabkii reer somaliland isku qanciyo oo wadahadaldaasi ku dhammaadeen iyo meel ay marayaan, waxaana la odhan karaa waa ayaan darro qarran oo ay ka gaabiyeen masuuliyiintii loo xilsaaray,daauud
Waxaana Qaranka Somaliland Ee Ilahay Wataa U Baahan yahay In Mucaarid Iyo Muxaafidba Meel looga Soo Wadajeesto, Xukuumadana Waxaa Looga Baahan yahay In Wixii Muran Ama Shaki Shacabka Gali Kara Ay Cadaymo Dhaba Ka Keento Umadana Usoo Bandhigto,
Waxaan ognahay in xukuumada maanta dalka ka talisaa kursiga ku fadhido muddo kordhin haddaan mucaarid iyo muxaafidba umadda loo bandhigin waxay keeni kartaa aragtiyo kale oo aan lagu qancin
Muddo Kordhinta loo Sameeyeyna Ogow Hadda Maaaha Xukuumada Mid Shacab Wanaag Ku Doortaye Waxay Ku Fashilantay Inay Doorasho Lagu Kala Baxo Sidii Geesigii Rayaale Dalka Ka Qabato Balse Waxay U Muuqataa Mid Dhabadii Xisbigii Udub Maray Maraysa Oo jecel In Sideed Sano Iyo Wax ka Badanba Iskaga Celceshato,
Waxaase Bal Eegi Doonaa hadda Siday Ay Doorasho ku Qabato, Waxanen Rajaynayaa In Aniga Iyo Siyaasiyiinta Kale ee Ilamidka Ah Aanu helno Doorasho Aan Shacabkayaga Dhiigna Kaga Daadan Dadna Ku Dhiman,
Waxaan Shacabkayga Reer Somaliland Halkan Fariin Uga Dirayaa Inay Ilaashadaan Xasiloonida Dalkeena Kana Shaqeeyaan Waxwada Qabsiga Iyo Is Dhexgalka,
Aniga Oo Ah Eng Daauud Abiib Axmed Musharaxa Golaha Baarlamaanka Somaliland Ee Soo Dhow Waxaan kalsooni Ku Qabaa In Cududa Taageerayaashii Hore Noogu Huray Codku Maantana Diyaaryihiin
Doonayaana Hogaan Daacada oo La Dagaalama Dulmiga Iyo Dayacaadaha Faraha Badan ee Dalkan Ka Jira,
Waxaa Mahad Iska Leh EEBE Waxaan Ka Baryayaa In Nimcada Iyo Nabada Dalkan Somaliland Sii Siyaadiyo Wa Bilaahi Towfiiiq.

 

 

 

W/Qalinkii Daauud Abiib Axmed