“Mudane Madxwayne Waxan Kaa Codsanynaa In Musharaxiinta Xisbigaag Ay Ku Soo Tartamaan”….Xildhibaan Xasan Shahar

Hargeisa(GNN):-Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar) oo Ka Mida Xildhibaanada Golaha Deegan Caasimada Hargeysa Asal Ahaana Ka Soo Jeeda Xisbi Xaakimka Dalada Dalka Haye Ee kulmiye Ayaa u soo jeediyay DHinacyada ku hirdamaaya Musharaxnimada kulmiye in sifo sharci ah ugu soo loolamaan Hogaanka Xisbiga iyo musharaxnimadiisa.

Xildhibaanka oo maanta shir jaraaid ku qabtay Xarunta  Dawlada Hoose Ee Magalada Hargyesa ayaa waxa uu Hadaladisii Ku Bilaabay “ Somaliland maanta waxa ay u baahantahay cid daganaashaheedii iyo daacadedii wadata  xisbiga kulmiyana hadii kooto lugu dhigo sow dadka lugu qasbi mayo wax aanay raali ka ahyin ama xisbiguba, waxaan leenahay Xisbiga gudihiisa waa in tartanku ku koobnaadaa waan ognoo siyaasiyiin miishaan culus leh ayaa ku dhex jira”

Xildhibaanka mar uu saxaafada si gaara ula hadlaayay waxa uu Yidhi “ waxaan idin kula dardaarmayaa wax kasta oo cadaalda dara ah oo aad aragtaan waa in aad ka midowdaan oo marka idinka laydin xidho uun aydaan hadal oo aydaan waxa sheegin ee dadka lugu dacadiyaayo waa in aan u hadashaan ileen waxaad tihiin saxaafadii dalkan iyo dadkane.Xildhibaanka oo Madaxweyne Silaanyo Fariin U Dirayaa Waxa Uu yidhi “ Mudane Madxwayne Waxan Kaa Codsanynaa in musharaxiinta xisbigaag ay ku soo tartamaan gudaha xisbiga oo aad si cadaalad ah u soo kala saarto.

Waxaan jeclay in aad hadalkayga ku soo gabagabeyo waar ragan musharaxiinta doonayow yaan reeraha dhexdooda lugula soo noqon mixnad iyo qabyaalada eek u soo tartarma xisbigiina dhexdiisa .