Mujaahid Cali Guray Oo Xukuumada KU Dhaliilay Qaabka Ay Ciyaaraha Gobolada U Qabatay, Ciyaartoygana Ugu Baaqay Inay Akhlaaqda Hagaajiyaan

Hargeysa(GNN):-Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay sida ay u socdaan ciyaaraha gobolada somaliland.

guray

Mujaahid Cali Guray oo qoraal arintaas ku saabsan ku faafiyey bogiisa Face-book ayaa waxa uu xukuumadu ku eedeyey inaanay ciyaaran qabateen haddii aanay sugayn amnigooda waxaanu ku bilaabay qoraalkiisa “Ciyaaraha looma qabto inay waxyeelo taraan oy khasaare soo kordhiyaan waxana ka roon in la iskaba daayo. Dad aan meelna ehel uga ahayn ciyaaraha ama sports-ka marka iga gee uun loogu xil saaro saw maaha inu noqdo XAAJO NIN AAN OGAYNI INDHUHUU KA RIDAA. Waana dhibaatada salka u ah waxa ka qaldan ciyaaraha Kubadda.”

Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Malaha ahmiyadda aynu siinayno kubadaha iyo kharashka ku baxa ee dhimasho iyo dhaawac uu so kordhinaya waxa ka fiicnayd in looga wareego ahmiyaddana la siiyo dhinaca orodada dhaadheer oo dadkeenu ku fiican yihiin hadii la hor mariyana ay guulo wax ku ool ah ka keeni karaan ilaa heer caalami ahna beegsan karaan. “

Sidoo kale waxa uu dhaliilay ciyaartoyda ka qayb galaya tartanka waxaanu mar kale yidhi “Kubadda cagta ciyaartooyga Somaliland ma aha kuwo jabsan maaha dhinaca heerka ciyaar tooda lakiin akhlaaqda ciyaaraha ayaad moodaa in ay kuwo badan caydh ka yihiin taas oo la odhan karo waxa ka dhiman barbaarintii iyo aqoontii macnaha ciyaarta Kubadda. Kubadaha Kolayga iyo shebagga( basketball and Vollyball) ayaa ka mid ahaa kuwa hadii loo hagar baxo si dhib yar loo hormarin karo.”

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE