Musharax C/casiis Samaale oo saxaafadda kula hadlay Hotel Guuleed oo Ciidamo Booliis ahi ku amreen in laga joojiyo xaflad ay ku qabsan lahaayeen.

Hargeysa(GNN)-Musharaxa Madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye C/casiis Maxamed Samaale oo saxaafadda qaarkood kula hadlay gudaha hotel Guuleed ayaa Muuse Biixi iyo Saylici ku Eedeeyay inay doonayaan inay xafladdo qabsadaan iyagana doonayaan inay ka hor istaagaan kuwo ay qabsan lahaayeen, isagoo sheegay inaanay aqbali karin in awood u adeegsadaan labadaas musharax kuwa kale ee la Loolamaya.

C/casiis Samaale waxa uu sheegay Muuse Biixi iyo Saylici inay qabsadeen toddoba xafladood oo ay beelaha Somaliland qaab qabyaaladaysan maalin ba mid hotel ugu qabanayeen, mudadaas oo dhana garabkoodu aanu wax xaflad ah qabsan.

Samaale waxa uu sheegay xafladda ay qabsanayeen inay ahayd mid ay xubnahooda Golaha Dhexe, Guddida Fulinta iyo Taageerayaashoodu ku soo bandhigi lahaayeen cududooda si ka duwan sida ay Muuse Biixi iyo Saylici usoo bandhigeen, waxaanu sheegay inay xaq u leeyihiin

C/casiis Samaale Musharax Madaxtinimo eek u Loolamaya Xisbiga Kulmiye waxa uu ku Eedeeyey Saylici iyo Muuse Biixi inay Ciidamo RRU ah ku joojiyeen xaflad ay ku qabsa lahaayeen Maansoor habeenimadii xalay, isagoo sheegay saakana in ay Guuleed Hotel u soo direen Ciidamo, kuwaas oo uu sheegay inaanay xal u ahayn Loolanka Xisbiga ka dhex taagan in uu garab na ciidan adeegsado, kuwa kale na lagu hor joogsado.

 

Log1