Muuqaal: Xisbiga Waddani Oo Si Adag Uga Hadlay Xaaladda Berbera iyo Wada Hadalkii Somaliland iyo Somalia Ku Dhexmaray Turkiga

Hargeysa(GNN)- Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Boobe Yuusuf Ducaale, oo ka hadlay xaaladda Berbera, ayaa ku taliyay in wax kasta oo dalka ka dhaca lagu dhammeeyo wada xaajood. Mudane Boobe wuxuu uga digay ganacsatada inaanay ku mamin hantida umadda ka dhaxaysa.

Mudane Boobe wuxuu naqdiyay kulan wasiirka duulista Somaliland Turkiga kula soo yeeshay masuuliyiinta duulista u qaabilsan Somalia. Kulankaasi oo lagaga hadlayay maamulka hawada Somaliland iyo Somalia. Waxa uu xukumadda ugu baaqay inay meel cad ka istaagto inay burbureen wada xaajoodka Somalia iyo Somaliland iyo inay wali socdaan.