“Qoriga Dalkaa Lagu Xoreeyay Oo Rag Badan Oo Haldoor ahi Ugu Soo Dhinteen Kuwa Kalena Ugu Naafoobeen Laakiin Maanta Waa Maaliintii Qalinka Maalintii Qoriga Ma aha”Samaale

Hargeysa(GNN)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa, si adag uga hadley Xaalada dalku marayo marxalidihii uu Soo marey ee kala duwanaa, iyo Doorkii Halganka loo soo marey Qaranimada Somaliland ee qoriga Caaradii ku sugnaa iyo Xaalada xiligan ee Hurumarka loogu baahan yahay in lagu gaadho.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kamid ah raga ugu loolanka adag Xisbi Xaakimka Kulmiye, ee damaca Siyaasiga ahi kaga jiro ayaa, Tusaale ugu soo qaatey in uu Mujaahidiintii Halganka Snm haldoorkoodii kamid ahaa Wasiirkii ka horeeyay ee Maaliyada Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi,oo uu ku tilmaamay in uu Waxa badan kasoo qabtey Golaha Xukuumada mudadii uu ahaa Wasaarada Maaliyada oo loo dhiibay Qasnado madhan balse, uu Miisaanaiyadii iyo dakhligiiba kor usoo qaadey islamarkaana , bixiyay Lacago dayn badan ah oo Xukuumadii ka horeysay ka tagtey khasnadihii Faaruqa ahaana buuxiyay.

tt

Wasiirkii hore oo arimahaa ka hadlayaa Wuxu yidhi.

“Qoriga dalkaa lagu xoreeyay oo rag badan oo hal door ah oo dalkan iyo dadkan qiima ku lahaa ugu soo dhinteen kuwa kale oo badanina ugu soo naafoobeen, maanta waalaga soo gudbey qorigii waana maalintii Qalinka,halkan waxa jooga Maxamed Xaashi Cilmi(Wasiirkii iga horeeyay ee Maaliyada),wuxu kamid ahaa ragii halgankii kasoo qeyb qaatey dalkana wax badan kasoo qabtey oo Wasaarada Maaliyada oo madhan qabtey xilkeeda oo aniga igaga horeeyay oo Ciidamada,iyo shaqaalaha mushaharka u kordhiyay,oo dakhligii kobciyay,ana aan halkiisii kor uga sii qaadey oo libin laabay (Wasiir)Samsamna aan ka rajeynayo in ay halkaa kasii qaadi doonto”Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), wuxu Wasiir u ahaan jirey Siyaad Barre oo lasoo shaqeeyay waxa uu ka tagey oo go,aan ka qaatey markuu arkey in Maamulkii qaloocdey haduu Maamulku qaloocdo Go,aan ayaa laga qaadanayaa oo waalaga tagayaa oo ragaa qalooca diidey magac ayay ku qaadanayaan”Ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale, isagoo u duur xulaya asbaabihii uu uga tagey Glaha Xukuumada.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu sidaa ku sheegay mar uu hadal ka jeediyay Munaasibad loo qabtey Jaamacad Cusub oo maanta lagaga dhawaaqey Caasimada Hargeysa taas oo Xafladii loogu wanqaley lagu qabtey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo uu ka hadley Doorka Jaamacadaha dalka isagoo hoosta ka xariiqey in ay ku kala Wanaagsan yihiin Jaamacaduhu Tayada laakiin anay magaca iyo wax kale ku kala wanaagsaneyn isagoo xusey, in hadii Jaamacadani Waxbarashadeeda iyo nidaamkeeda adkeyso, oo aan dhaqaale kaliya loo furan ay noqoneyso mid lagu qiimayn karo oo aad loo jeclaanayo.

Cabdicasiis Maxamed Samaale(Wasiirkii hore ee Maaliyada), oo kamid ah raga loolanka adag ugu jira damaca Siyaasiga ah ee Murashaxa Jagada Madaxweyne Xisbi Xaakimka Kulmiye marar badana hore u shaaciyay in uu ku loolamayo Madaxweynaha dabadii jagadaasi, ayaa dhawaan si adag uga hadley in uu Wali kamid yahay raga u horeeya ee damacaasi ka go,an yahay isagoo ku celceliyay in uu kalsooni ku qabo naftiisa marka hore,in uu kalsooni ku qabo shacbiga iyo Xisbiga uu kamidka yahey, ee Kulmiye Xubnaha Golaha Dhexe, iyo Illaahiisa subxaana Watacaalayee sida uu hadalkisa u dhigay

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE