Ra’isal wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay Ciidamo Ingiriisku U Dirayo Muqdisho

New York (GNN)Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo ka qayb galay shirka qaramada midoobay ee Maraykanka ayaa sheegay in ahmiyadda ugu weyn ee xukumadda Muqdisho tahay dhismaha ciidan qaran oo Somalia yeelato, kuwaasi oo xoog ku muquuniya cid kasta oo ka soo horjeedsata.

Waxa uu sheegay in Ingiriisku ka mid yahay waddamada ay taageerada ciidan ka doonayaan, taasna macnaheedu yahay inay soo dhawaynayaan ciidamo maalmihii la soo dhaafay dawladda Ingiriisku sheegtay in Somalia loo dirayo si ay arrimo tababar iyo qorsheyaal ciidan ugu taageeraan kuwa Somalia.

ray

Waxa uu sheegay inaan ciidanka loo dhisayn Al-shabaab inay ka takhalusaan balse ay ugu talo galeen inay u adeegsadaan cid walba oo kale. Waxa sidoo kale la waydiiyay aragtidiisa ciidan dawladda Ingiriisku dhawaan sheegtay inay Somalia u dirayso “ Anagu hadda waxaanu ku jiraa sidii loo dhisi lahaa ciidanka qaranka, umana dhisayno Al-shabaab oo kaliya inay ka hor tagaane waxaanu u dhisaynaa waxa weeye mar dambe inaanay Somalia xasilooni darro ka dhicin oo mar dambeeto qolo qabiil ama diin ku adeegsanaysa oo ciidan aasaastay aanay dalkan ka aflixin iyo runtii inay daboolaan baahida umadda Soomaalidu u qabto in amni sugan la helo. Markaa taasina waxay u baahan tahay qorshe, dhaqaale, tababaro iyo qalab waxaanan la kaashanaynaa dawladdaha aanu isleenahay way idinka caawinayaan, Ingiriiskuna waa ka mid dawladdaha aanu isleenahay gacan ha ka gaystaan arrintaasi,” ayuu yidhi Ra’isal wasaaraha Somalia.

Ra’isal wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka hadda Somalia haysato uu qaato Mushahar ah heerka ugu hooseeya, islamarkaana aanu si joogto ah u helin, sidaasi darteedna ay dadaal ugu jiraan helitaanka dhaqaale lagu dhiso niyadda ciidanka iyo kaabayaashiisa “Waxaanu wajahaynaa laba caqbadood oo ah ciidan dhisid iyo dagaal lagu jiro. Waxa noogu daran ee hadda na haystaa waa xeryaha ciidanka oo ciidankii ayaan xero haysan oo guryahooda u hoyanaya,” ayuu yidhi Raisal wasaar Cumar Oo VOA-da la hadlayay.

Caqbadaha kale ee uu sheegay inay dhinaca ciidanka ka haysato waxaa ka mid ah in ciidamada Somalia ee hela fursado tababar loo diro waddamo kala duwan oo kala afkaar duwan, islamarkaana is fahan waa ka dhex dhaco ciidanka. Waxa uu sheegay inay hadda wadamada ay taageerada ka raadinayaan ka codsanayaan sidii loo hirgalin lahaa in ciidanka waddan kaliya lagu soo tababaro si ciidanku isku fahmo.
GABILEY.NET

GABILEY OFFICE