Reer Hargeysa Haku Xisaabtamaan In Marti Loo Yahay, Hana Soo Dhaweeyaan Ciyaartoyga Gobolada, Waxaanan Fariin U Dirayaa…Maxamed Cali Madoobe.

Hargeysa(GNN):-Gudoomiyaha arimaha bulshada ee gudidda horu marinta beelaha Arab ee Afgarad Maxamed Cali Madoode ayaa baaq u diray guud ahaanba dhalinyarada deegaankiisa.

Maxamed Cali Madoobe oo qoraal arintaas ku saabsan soo gaadhsiiyey Gabiley.Net ayaa waxa uu u soo jeediyey dadweynaha degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May inay si balaadhan u soo dhaweeyaan dhamaanba xulalka gobolada ee ka qayb galaya wareega labaad ee ciyaaraha gobolada ee ka dhici doona magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo uu guud ahaanba dadweynaha magaalada Hargeysa ugu baaqay inay soo dhaweeyaan ciyaaryahanada ka qayb galaya wareega labaad ee ciyaaraha gobolada waxaanu qoraalkiisa ku yidhi “Waxaan Ugu Baaqayaa dhamaanba dadweynaha ku nool degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May, inay masuuliyad weyn iska saaraan soo dhawaynta ciyaartoyga gobolada
dalka ee caasimadda Imanaya, waxaan idin leeyahay si diiran u soo dhaweeya oo nabad galyada aad u ilaaliya, waxaanan si xushmed leh laydiinka codsanayaa inaad u wada diyaar garawdaan sidii aad uga soo bixi lahaydeen hawshaas idiin taala, dadweynaha reer Hargeysana waxaan leeyahay waxaad ku xisaabtantaan in marti laydiin yahay.”
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE