Saamaynta Uu Gurriga Saylici Ku Leeyahay Guusha Hordhaca Ah Ee Uu Gudoomiye Muuse Biixi Ka Gaadhay Hanashadda Xubnaha Gollaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE .

Hargeisa(GNN):-Gurri uu Magaaladda Hargaysa ka degan-yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland MD. Caddiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),ayaa waxa uu ahaa Xarrun saldhig u ah qaar ka tirsan Garbayadda Xisbiga KULMIYE,kaas oo keenay in si weyn uu Warbaahinta usoo galo saamaynta ay taladda Aqalkaas lagu soo gooyaa ku yeelan jirtay Haddaba Xiisadda siyaasaddeed ee Dalka ka alloosan,gaar ahaana Khilaafkii sannadkii hore ka taagnaa Qabashadda Shir-weynaha Xisbiga KULMIYE iyo dhawr jeer oo ay Xukuumaddu isku dayday inay Kursiga ka tuurto Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland,MD. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaana halkaas Habeenkii kusoo shir-jiray Xildhibaanadda Muxaafadka ah ee Xisbiga KULMIYE.Sidoo kale markii uu Alloosnaa Khilaafka Xisbiga KULMIYE ee Qabashadda Shir-weynihii dhacay Sannadkii hore,ayaa waxaa la xasuustaa inay Xarrun ay kusoo kala talo iyo go’aan qaataan ay u ahayd garabkii kasoo horjeeday Hogaanka Xisbiga oo uu ugu cad-cadda Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Madaxweyne Ku-Xigeen Saylici.