SOLJA oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 30 Xubnood oo Dhammaystay Tababar ku Saabsan Doorka Saxaafadda iyo Doorashooyinka

Hargeysa (GNN)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey 20 suxufi iyo 10 xubnood oo ka kala socday saddexda xisbi siyaasadeed iyo Komishanka Doorashooyinka, kuwaasoo dhammaystay tababar ku saabsan doorka saxaafaddu ku leedahay saaxadda doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda oo la soo gunaanaday shalay.

Tababarkan oo muddo saddex maalmood ah ka socday hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa, waxa ay ka-qaybgalayaashu ku barteen duruus muhiim ah oo ku saabsan kaalinta warbaahintu ku leedahay qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ka hadlay xidhitaankii tababarka, ayaa sheegay in aqoon-isweydaarsigani qayb ka yahay tababarro ururkiisu hore ugu qabtay suxufiyiinta ka kala hawlgala gobollada galbeedka iyo bariga Somaliland oo ku qabsoomay magaalooyinka Boorama iyo Burco bishii la soo dhaafay ee September 2015.

Guddoomiye Xuuto waxa uu ku dheeraaday muhiimadda tababarrada noocan ah u leeyihiin in saxaafaddu buuxiso kaalinteeda  ku aaddan hirgelinta hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyin hufan oo ka qabsooma dalka, sidaa darteed waxa uu ku adkeeyey ka-qaybgalayaasha, gaar ahaan suxufiyiinta inay hawlahooda shaqo ku dabbaqaan aqoonta ay ka korodhsadeen tababarka.

Waxa kaloo uu ka warramay waxyaabaha u qabsoomay muddada uu hoggaaminayey SOLJA iyo barnaamijyada u qorshaysan mustaqbalka dhow ee lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadda suxufiyiinta, isagoo sheegay inay urur ahaan ka go’antay sidii saxaafadda iyo suxufiga Somaliland uga bixi lahaayeen duruufaha qallafsan ee waqtigan wehelka u ah, hoosna u dhigay haybaddii iyo sharaftii weriyeyaasha.

Sidoo kale, Guddoomiyaha SOLJA waxa uu ballanqaaday inay sii wadi doonaan tababarrada lagu horumarinayo mihnadda iyo aqoonta suxufinimo oo uu carrabka ku dhuftay inay waqtigan aad u hoosayso.

Khabiirka iyo suxufiga ruug-caddaaga ah ee Yoonis Cali Nuur oo ka mid ah macallimiinta casharrada bixinayey, ayaa ugu baaqay suxufiyiinta Somaliland inay fadhiga ka kacaan oo ay raadsadaan xuquuqdooda suxufinimo oo uu sheegay inay maqan tahay, isla markaana cudud midaysan ku raadsadaan xuquuqaha ka maqan sida sugidda amnigooda, xorriyadooda iyo daryeelka noloshooda, kuwaas oo uu tibaaxay in aanay haysan inta badan war-fidiyeennada Somaliland, taasina keentay inay mihnadooda warbaahineed dhaqaale ku raadsadaan.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha SOLJA ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey 30-ka xubnood ee tababarku u dhammaaday oo isugu jira suxufiyiin, saraakiil ka kala socday axsaabta qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), waxa uu tababarro noocan oo kale ah ugu soo qabtay in ka badan 10 suxufi oo ka kala hawlgala gobollada galbeedka iyo bariga Somaliland, kuwaas oo la filayo inay wax weyn ka beddelaan wanaajinta saaxadda saxaafaddu kaga qaybgali doonto hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka la filayo inay dalka qabsoomaan dabayaaqadda sannadkan iyo horraanta sannadka 2017.

 

Log1