Tix Baroo-diiq Muj.Lixle (Qaybtii 1)! Maalin ku calaamadsan (17/10/1984 ,oolaga joogaa 30 sano).Qaybtii 1!.

Maalin ku calaamadsan (17/10/1984 ,oolaga joogaa 30 sano), waa ayaan aan ku xusno murugo, oo Ummadda Reer Somaliland meel ay joogto-ba ay dib ugu eegto ayaamii ugu adkaa ee ay soo martay, taariikhdda S.N.M, lagala kulmay Qalbi jab, markii lagu dhawaaqay in halyey-ggii Lixle ( rabbi naxariistiisa aha siiyo’e) lagu Hareereeyey Burco Goobo, dagaal Laba Maalood socday, oo ay faqash isugu habar wacatay, laakiin nasiib daro, wax kaga ridda uu waayey isaga iyo ciidankii yaraa ee ku shahiiday Gaalo waran-layddii wixii Somaliya isku sheegi jiray, ee magacoodda watay, iyadda oo uu hor kacaayo, ninkii la baxay Cabdi Bile ( waa fulayggii xaarka weynaa ee moorgane), Uma jeedo Cabdi-Bile’e, ujeedadu waa dhanka orodka markii ay ku noqotay Naftu Orod Bay Kugu Aamintaa, ee cagaha wax ka day, akhristaw, aniga oo qaybta labaad ee berito, ( haddii Alle yidhaaho) ku soo sheegi doona taariikh-ddii runta ahayd ee Mujaahid Lixle, Ilaah janadda ha ka waraabiyo’e, Waxan ku hal-qabsaday Ninka Abwaanka ah ee la yidhaaho Cabdilaahi Xasan Mataan, waxan-se rabaa in aan in yar idinka sii siiyo waxa ay ka hadlayso tixdani:-

* Qaybta hore ee tixdu, waa hor dhac iyo wixii ay samayn jirtay Faqash iyo afcaasheeddii.
* Qaybta Dhexena, waa Jebintii Xabsiggii Dhexe Ee Mandheera iyo wiuxii ka dhacay,
* qayba Sadexaad-na, waa Marxuum Lixle Maalintii uu ku shahiiday Burco-Goobo, iyo wacdarahii ka dhacay.
* Qaybta Afraad-na, waa Duco aan ku soo xidhaayo tixdda,

Akhristaw hadaba ku soo dhawaadda tixddii baroor-diiq ahayd waa tane:-
Ina Xasan Mataanaw, Miimley tixaan degay,
Kuma taranto Malaha’e, ha maguuijn baa idhi,
Ruuxii mergana-yaw, mash-qac hayska ruubine,
Waxa loo miskeedaa, maansa-ba hogeediyo,
Milic-siga u gaariyo, mayxaana-heediyo,
Ma hadhooyin-keediyo, taariikho murug-liyo,
Masalooyin dhaliyaa, ay magaabi-saayoo,
Mas awood ku faanoo, muruq shicibku siiyeen,
Ku mafaax-sadoo idil, guray makala-hooddii,
Mid maroor-sadoo keli,madax-nimaddii uu rabay,
Miyirkii ka laashoo, meeraaya hawadaas,
Cirka hirar ka muuqdiyo, loo muujay waxan jirin,
Kibir uu la murux-saday, kala dhacayo meel baas,

Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,

Imisaa is marayoo, meeshaba adays ka leh,
Waa maalin-taaddii, malagii ku galay oo,
Maan xumo daraaddii, loo maro waayoo,
Cidi inay la muran-taba, maskaxdaba an gelinoo,
Maqaarkii libaax-yadda, loo geliyey madaxoo,
Midna aan istaahilin, maxaan araganay waayuhu,
Maafish u boqra-dayoo, Araggii maroodiga,
Lagu yidhi masaa-tiin, meela aan ka soo gelin,
Milgahuu ku baaniyo, miiq-na aanan siisteen,
Mugan dunidan joognaay, dad maxaad lugoysoo,
Malawgii ku kala tegay. u dambaysay meel xumi,

Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,
Maxaa hoog la kawsaday,makhrib reera-hoo degay,
Aan Masiibo filanayn, maydal caana-heeddii,
An is idhi ka soo maal, muusanaw is dhaafoo,
Meel layga soo galay, masiibadu waxay tahay,
Marna aanan garanayn, maxaa lay humaajiyey,
Maxaa duul habaar qabay, maqaar-kayga la col ihi,
Magacayga diidani, waxba kama mutay-sane,
Dagaal laygu miisoo, maxaa jiraba lay odhan,
Siigadu mudh ay tidhi, meelaan diriri oolayn,
Midgitaa ha socotiyo, La onkoday madaafiic,
Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,

Midi lay afays-tiyo, magli faash ka weyn iyo,
Gosha mudac i geli-yeen, mudo lay lisaayoo,
Madhi-yaay la yidhiyoo, midi ayuu ka soo hadhin,
Rag la miirto daayoo, aan la dhaafin maatadda,
Ma yeedhaanki laayeen, marwo uur leh gawracay,
Maal waxaan lahaa iyo, moodkii layga qaatoo,
Murdi-yaaydu yeedhoo, ka adeegay maydkii,
Mishiikh-saday wixii jiray,Meel ay ku noqotana,
Tahay Murugo iyo ciil, is miinee runtii timi,
Minan-kayg kii galay, wixii uu mulkiyey ee,
Uu maroojay xoolaha, lagu dilay masaakiin,
Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,

Hal-yeggii muquurtee, duqayddii la miirtiyo,
Madaxday xidheen iyo, ugu galay madheeree,
Habeen madawga laga baqo,Lixle Mooski jebiyee,
Intii meesha ugu jiray, muhiimkii ka saaree,
Midh-Midh loola soo baxay, fiinta muusanawggii,
May bidin miciin oo, marag looma wadda noqon,
Markay kabaha xooreen, mid-ba meel ka dhacayee,
Ku madiixay guushii, Faqashtii ku madhatee,
Yaa maali jirayeey, mulki-geedda kii dhaqay,
Gacan lagu muquunshee, gidhli-gaan la daba maray,
Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,

Geesi-yaddii ku miiseen,kobtan maxaa i dhigayiyo,
Ciil laysla madax maray, saw geeri may xigin.
Dhitaday mutays-teen, gaaxddii ay ka maaleen,
Waa mujaahid weynoo, ku shihiiday diinta’e,
Kuli gaal-madoobi, markii lagu mahoobiyey,
Habeenkaa kamuu bixin, maqaasiino muu furan,
Saanaddii la madhax-saday, miridh qudha kumuu guran,
Waa Geesi miigane, maryo dhiigle lama arag,
Intii madax madaoobayd, naxdin may bestood noqon.
Markii galawgu qayliyey, hurin-hurin ma dhuumanin.
Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,

Marxaladii labaadee , fulayaddu ka maageen,
Markii laysku daad-saday, moorgan iyo colkii yimi,
Burco-goobo may iman, Faqash oon midh kaba hadhin,
Waa Mujaahid dhaartoo , nina kama macaashee,
Muu dhigan jilbaha’oo, saf-saf mayd umuu wadhin,
Hadba maayad may dirin, Koox-koox umay madhan,
Lixle midhadhku haystay-na, may waayin gurmad oo,
Dagaal maalmo taxana ah, saw mujaahidiintii,
Kuma meerin cadwggii, nacab-koodi muu helin,
Naxdin maali-taas timi, baa imayraca-naysee,

Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,

Mawluhu ha kula jiro, ma ilaawi karayoo,
Marka aan xasuustaa, sidda mayey-ga roobaad,
Mawjaddii bad-weyntaa, Ima maydhin oohini,
Maad dhiman Lixlaw weli, qalbigaa ad mirataa,
Rabbi Madasha aakhiro, Milga-haaga kugu sii,
Maalik waa ilaahaye, magan-tiisa noqo’oo,
Mug-weyntii farduusiyo, macaaneey naciimiba,
Malka-daadda weeyee, mabsuud-kaa ku nooloow,
Xuural-caynta Magaca leh, Midig eebe kuu geli.
Wixii aad muraadda-ba, Macbuud kuugu roonaa.
Anna Maalin-taaddaa, Iga gunud Xusuux mudan.

La Soco qaybta 2 ( Labaad).

* N.B Rabbi Madasha Aakhiro, Milga-haaga Kugu Sii!
Abdirahman Jama Ahmed.
Abdi-Shotaly,