War Degdeg ah: Ciyaartoygii Gobolka Sanaag Oo Gaadhigii Siday La Rogmaday.

Hargeisa(GNN):- Cisbitalka Guud ee magalada burco ayaa waxa la soo gadhsiyay Dhaawaca Tababarihii Ciyaartoyga Gobalka Sanaag,

Mid ka mid ah gawaadhidii ay wateen ciyaartoyda gobolka Sanaag uga qayb gelaya tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland Oo la filayo inay maalinta bariya ka furmi doono magalada burco ayaa goor dhoweyd waxa Qalibmay Gaadhi ay wateen ciyaartoyga gobalka sanaag waxaanu ku qalibmay agagarka degaanka war-idaad,

Baabuurkan geddoomey oo noociisu yahay SURF ayna saarnaayeen lix xubnood oo isugu jira saddex dhallinyarada cayaartoyda, iyo saddex mas’uul oo wasaaraddan ka tirsan ayaa kolkii uu geddoomey waxa dhaawacyo culusi zoo gaadhay tababbarihii dhallinyaradan ciyaartoyda (Axmed-qaldaan) halka xubnaha kalena intooda badan dhaawacyo fududi shilkan kazoo gaadheen,

Cisbitalka Guud Magalada Burco ayaa wakhti Xaadirkani Lagu