DAAWO:Wasiirka Warshadaha Oo Ka War Bixiyey Shir Uu Kaga Qayb Galay Wadanka Holland, Taageerana U Muujiyey Musharaxnimada Muuse Biixi

Hargeysa(GNN):- Wasiirka wasaarada warshadaha somaliland Muddane Shuceyb Maxamed Muuse ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib safar uu maalmihii ugu danbeyey ugu maqanaa dalka Holland.

Wasiirka oo warbaahinta kula Hadley qolka nasashada ee madaarka caasimada hargeysa ayaa waxaa uu ugu horeyn uu ka war bixiyey shir uu kaga qeyb galay dalka Holland waxaana uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid uu kaga qeyb galay magaca Somaliland waxaana uu yidhi

“Waxaa aan doonaya in aan si kooban idinku sheego waxii uu daarnaa safarkii aan ku tagey qaarada yurub safarkaasi waxaa uu ahaa safar shaqo aan ku tagey wadamo ka mid ah qaarada yurub Sidaan hore u sheegay haayada la yidhaado (Spark) oo ka diwaan gashan dalka Holland una xil saran toobabar siinta warshadleyda ayaa casuumad noo soo dirtey .

Aniga iyo wasiirka arimaha dibada ayaa ka wada hadalnay waxaana isla garnay in casuumada oo ay si jamac ah ay u soo direen in mid gaar ah somaliland u soo diraan waxaana ay somaliland u soo diren casuumad gaar ah waxaana aan shirkaasi kaga qeyb galay magaca somaliland “ ayuu wasiirku .

Sidoo kale wasiirka wasaarada warshadaha ayaa waxaa uu ka hadley loolanka xisbiga kulmiye ka dhex istaadhmey waxaana uu taagro la garab istaagay Gudooomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse biixi cabdi waxaana uu yidhi “waxaa aan taageersanahay go,aankii ay gaadheen golaha dhexe ee dadka u matala ee sugulaha ilaa saaxil baan la qabaa waxaanu dhiseynaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid Muuse Biixi Cabdi waayo umad waliba tariikh bey leedahay wadankuna halgan dheer buu soo maray malintii loo baahna in qoriga la qaato ninkii qaatay ayaa maantana xaq u leh “ Ayuu ku soo koobay hadalkiisii wasiirka wasaarada Warshada Somaliland Muddane Shuceyb Maxamed Muuse .

 

GABILEY.NET