Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somalilnd Ayaa Maanta Xilalkii Ukala Wareejisay Agaasimahii Hore Ee Wasaarada Iyo Agaasimaha Cusub Ee Loo Soo Magacaabay+Sawiro.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somalilnd Ayaa Maanta Xilalkii Ukala Wareejisay Agaasimahii Hore Ee Wasaarada Iyo Agaasimaha Cusub Ee Loo Soo Magacaabay.
Xilwareejintan oo Ka Dhacday Xarunta Hotel Impreial Oo Ku Dhaw Xarunta Wasaarada Maaliyada, Ugu Horeyna Waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha hayda shaqaalaha maxamed mixile Boqore, waxaana uu amaan iyo shaqo wanaag usoo jeediyey agaasimahii hore wasaarada malliyada isagoo sidoo kale farxad kusoo dhaweeyey agaasimaha cusub ee wasaarada maaliyada la keenay, oo hore u ahaan jiray agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada, agaasimahii hore wasaarada maaliyada mudane saleebaan, oo khudbad dheer kasoo jeediyey xafladan xilwareejinta ayaa ka waramay intii uu wasaarada joogay iyo waxa uu ka qabtay, isagoo agaasimaha cusubna ugu waramay in aaney jirin wax caqabad ah oo ka jira wasaaradan, islamarkaana wasaarada oo markii uu yimid uu dakhligeedu ahaa todoba iyo afartan milay oo dollar halka maanta oo uu wareejinayana uu marayo boqol iyo sideetan milayn oo dollar.
Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Loosoo Magacaabay Ayaa Isaguna Uga Mahadnaqay
Agaasimaha Hore ee Wasaaradan, Isagoo ka Dhawaajiyey Ina wada shaqayn wanaagsani soo wada dhexmartay isaga iyo wasiirka isla markaana ay si fiican isula jaanqaadidoonaan,