Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Xilalkii U Kala Wareejiyey Agaasimahii Hore Iyo Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Caafimaadka

Hargeysa(GNN):- Wasiirka Wasaarada xanaanda xoolaha Somaliland Dr.Cumar ayaa waxaa uu maanta si rasami ah xilalkii ugu kala wareejiyey agaasimihii hore iyo agaasimaha cusub ee wasaarada caafimaadka dhawaan loo soo magacaabay .

Munaasibadan xil wareejinta oo aheyd mid aad loo soo agaasimay isla markaana ka dhacdey hotel Safari ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiir wasaarada Xanaanada Xoolaha , Gudoomiyaha haayada Shaqalaha , Saraakiisha Haayada La Shaqeeya Wasaarada caafimadka iyo qeybo ka Mid ah Shaqalaha wasaaradaasi .

5(433)

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka Hadley Gudoomiyaha haayada Shaqaalaha Somaliland Prof.Maxamed Maxile Boqore Waxaana uu sheegay in Uu agaasimaha cusub soo dhaweynaayo agaasimihii horena uu sii sabootinaayo isaga oo kula dar daarmay labada agaasime in ay ku da daalan sidii ay shaqaalaha ula dhaqmi lahaayeen qaab cadaalad ah.

7(337)

Sidoo kale waxaa iyaguna dhinacooda ka Hadley dhakhatiir hawl wadaag la leh wasaarda caafimaadka , haayadaha ay wada shaqeynta leeyahiin iyo masuulyiin kale waxaana ay ku dheeraadeen ahmiyada uu agaasimuhu u leeyahay qaab dhismeedka wasaarada waxaana ay agaasimaha cusub ku booriyeen in uu halkaasi ka sii wado wax qabka uu agaasimihii hore qabtey .

Dhinca kale agaasimahii hore ee Wasaarada Caafimadka Dr.Yusuuf Axmed Cali oo madasha hadlo koobanka yidhi ayaa waxaa uu yidhi “Runtii intii aan halkan joogay wax aad u faro badan ayaan ka bartey dalka ayaan bartey dadka ayaan bartey qiimo faro badan ayey ii kordhisay sidii aad halkan ka arkayseen waad arkagteen hantida wasaarada caafimadkaa inta ay leegtahay runtii in badan ayaan ku soo kordiyey intii aan wasaarada caafimka joogay waxaana aan rajeynayaa in agaasimaha cusub uu halkaasi ka sii wadi doono hawlaha baladhaan ee wasaarada caafimaadka somaliland “ Ayuu yidhi agaasimihii hore ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr.Yuusuf Axmed Cali

8(311)

Agaasimaha cusub ee la wareegaya xilka agaasimaha wasaarada caafimaadka Mudane Saleeban Yuusuf Jaamac ayaa isna halkaasi ka Hadley waxaana uu sheegay in uu ku da daali doono sidii uu u sii wada lahaa hawlihii uu wadey agaasimihii hore waxaana uu yidhi “ilaahay ka sokow waxaa mahada iska leh madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ii ogolaadey in aan mar labaad I magacaabo wasaarad ka mid ah halbawlayaasha wadanka oo aan odhan karo tii aan ka shaqeyn jiray waa ay la hawl tahay ama waa ay ka hawl badan tahay .

9(259)

Waxaan aad uga xumahay in aad xilkii kala wareego dhakharkii halkan iminka taagna ee iga horeeyey oo runtii markii uu iminka ka hadlaayey aqoontiisa si dareen leh uga hadlay insha alleh waad ku soo noqon doonta ana waxaa aan ku da daali doono sidii aan halkaasi ugu sii wadi lahaa wax qabadkaasi aadka u baladhaan “ ayuu yidhi agaasimaha cusub ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Mudane Saleeban Yuusuf Jaamac .

Ugu Danbeyntii wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha somaliland Dr.Cumar ayaa halkaasi ka hadlay si rasmi ahna xilkii ugu kala wareejiyey labadan masuul waxaana hadaladii wasiirka ka mid ahaa “Aniga oo ah wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha waxaa I soo wakiishay in aan si rasmi ah xilalkii ugu kala wareejiyo labadan masuul mar hadii u wasiir ku xigeenkiina maqan yahay agaasimuhuna uu cusub yahay .

Runtii wasaarada caafimaadku waa mid ah miyad baladhan u leh qaranka muddo badan ayaana aan ka mid ahaa bahada caafimaadka ilaa malintii aan bilaabey shaqada waxaa an ku dhex jiray uun bahda caafimad “ ayuu yidhi wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr.Cumar

Gabiley.Net
Gabiley Office