Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibadda Dr Maxamed Cabdilaahi Oo Ka Cudurdaartey Dalab Xukuumada Uga Yimid

Hargeysa(GNN)-Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay, in ay dalab u fidisey Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo xilka laga qaadey Mudo kadib Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ku qabsoomay Hargeysa markaas oo khilaaf Xisbiga Kulmiye awgeed ah xulistii Xubnaha Gudida Fulinta iyo Golaha Dhexe xil ka qaadistiisa lagu hagaajiyey kadib markii uu taageeray Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay xiligaa isku aragti ahaayeen.

Waxaanay Wararku intaa ku dareen in Dalabka xiligan uga yimid Xukuumada Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ka cudurdaartey, isagoo cudurkaasiisa ku sheegay in uu hada ka howlgalo Hay,ad Caalami ah oo Afrika ka howlgasha,sidaa daraadeedna aaney suurtagl aheyn in uu mar kale xil ka qabto Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,iyadoo la sheegay in lagala xidhiidhay dhinaca Madaxtooyaada haseyeeshee, aanu dalabka loo fidiyey aqbalin Wakhti xaadirkan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa, la sheegay in uu xiligan ku sugan yahay Magaalada Nayroobi ee Xarunta dalka Kiiniya inkastoo aan wali la cadeyn mowqifkiisa dhabta ah ee ku aadan Xubinimada Xisbiga Kulmiye Golihiisa Dhexe oo dhawaan lagu arkey liis Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi u gudbiyay Madaxtooyada oo magaciisu ku xusan yahay.
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE