Xildhibaan Kijaandhe Oo Ka Hadlay Qorshaha Wareega Labaad Ee Murashaxnimadiisa Madaxweynenimo

Hargaysa(GNN):-Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo hore ugu dhawaaqay innuu u tartamaayo jagada Madaxweynenimada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa maanta kulan la yeeshay Xubnaha golaha dhexe kaga jira beesha arab,kuwaasoo kalsooni buuxda ku siiyey inay garab taagan yihiin Murashaxnimadiisa Madaxweyne.

Kulankan oo daba-socday kulan ay Khamiistii toddobaadkii hore iskugu yimaadeen Xubnaha golaha dhexe ee Beelaha Arab iyo Siyaasiyiin Madax-banaan, kaasoo lagu lafo-guray Murashaxnimada Madaxweyne ee Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) iyo sidii loo dhaqaajin lahaa ee hiil iyo hooba loola garab istaagi lahaa, waxaannu kulankii labaad ee maanta qabsoomay ahaa mid ay wada taageereen dhammaanba Xubnihiii golaha dhexe ee beesha arab.

kijaandhe(1)

Murashaxa jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe),ayaa u mahad-celiyay dhammaan-ba Xubnaha golaha dhexe ee beeshiisa kaga jira Xisbiga KULMIYE, waxaannu sheegay innuu aad ugu han-weyn yahay Murashaxnimada Madaxweyne ee uu wakhtigan ku dhawaaqay, isagoo sheegay innuu rajo fiican ka qabo in Xisbiga KKULMIYE dhexdiisa uu tartan xalaal ahi ka dhaco. Mr Kijaandhe waxa uu sheegay innuu aad ugu faraxsan yahay haddii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), uu mar labaad isku soo taagaayo jagada Madaxweynenimo ee uu hadda ku fadhiyo, waxaannu sheegay haddii taasi dhab tahay innuu noqonnaayo qofka ugu horreeya ee dhinac joogsannaaya, isla markaanna ka shaqaynnaaya sidii aan horeba uga shaqeeyay innuu ku guulaysto Madaxweynenimada mar labaad,haddiise buu taa la waayo waxa uu sheegay innuu ka hadhay hankiisa Murashaxnimo ee Madaxweynenimada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa.

Mr. Kijaandhe waxa uu sheegay in hawsha Murashaxnimiidiisa laga gudbay wareegii koowaad, isla markaanna Qorshihii labaad loo gudbaayo.

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE