Xisbiga Kulmiye Wuu Ka Dhintay Bulsho Waynta Gobolka Gabiley iyo Jilayaasha Haakah Sugayaashana Waxay U Arkaan Rag Matalaya Ruwaad Ay Alifeen Nus Danbeedka Xukuumada Siiraanyo.

GABILEY(GNN) Sida ku xusan Taariikhda Xisbiga Kulmiye waxuu ku Dhawaaqay Madaxwayne Siiraanyo Geeridii Marxuum Cigaal ka dib Badhtamihii Sanadkii 2002 waxaanu noqday Ururkii Guru Danbayska ahaa Ururadii ku kala calaf qaaday Tartankii u horeeyay ee dhex maray Lix Urur oo ku Tartamay in ay u soo Gudbaan Xisbiyo Siyaasadeed iyo Xildhibaanadii u horeeyay ee Golaha Deegaanka balse nasiib wanaag Ururkii Kulmiye waxuu kaalinta Labaad galay Sadexdii Urur ee u soo Gudba Xisbiyo Siyaasadeed waxaana xusid mudan in Kulmiye Afar Xildhibaan ku yeeshay 21 Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Gabiley taasina marag cad u tahay Taageerada Mugaleh ee Bulsho Waynta Gobolka Gabiley siisay Xisbiga Kulmiye.

CALAAMADA

Sidoo kale Afar Bilood ka dib Doorashadii Madaxtinimo oo Madxwayne Siiraanyo Murashax ka yahay ayuu Xisbiga Kulmiye galay Waxaana Xusid mudan Milgihii Maamuustii ay ku Qaabileen kuna soo dhaweeyeen Madaxwayne Siiraanyo iyo Taageeradii Baaxadii lahayd ee ay la Garab Joogsadeen mar kale waxaa xusid mudan sidii ay uga Marooro Dilaaceen Guuldaradii Madaxwayne Siiraanyo ka soo ka gaadhay Doorashadii Dalka ka dhacday ee Taariikhda kaga beegan 14/4/2003

CALAAMADA GABILEY

Guuldaradaa Xisbiga Kukmiye iyo Madaxwayne Siiraanyo soo gaadhay may wiiqin Cududa Taageerayaashii Baaxada lahaa ee Xisbiga Kulmiye Gobolka Gabiley waxaanan Marag uga dhigayaa Taageeradii sii Laban laabantay ee Xisbiga Kulmiye la garab joogsadeen Bulsho Waynta Gobolka Gabiley Doorashadii Baarlamaanka ee Dalka ka dhacday 29/9/2005

Doorashadii AFRAAD ee Xisbiga Kulmiye galay ayaa ku beegan 26/6/2010 Madaxwayne Siiraanyo ayaana si wayn ugu guulaystay Taariikhduna waxay ka marag kacaysaa Kaalintii Muga lahayd iyo siday Hamuunta ugu qabeen Bulsho Waynta Gobolka Gabiley Guul uu Gaadho Madaxwayne Siiraanyo

Waxaase iswaydiin mudan maxay kala kulmeen Bulsho Waynta Gobolka Gabiley Dhib iyo DHeef Sidayse ugu Lisayn ma ugu Hanbeeyeen Jilayaashan Haakah Sugayaasha loo yaqaano ee Maantana isku haysta Xisbiga Kulmiye oo Magac uuni ka Joogo balse Sumcadiisu Dhimatay oo Galgalin Cidlo ah oo laga Guuray

Qormo kaliya kuma soo koobi karo Dhibta Ku Tumashada Sharciga Sharaf dilka Hadimada iyo Hagardaamooyinka ay Madax iyo Mijo Bulsho Wanyta Gobolka Gabiley kala kulmeen Guushii Madaxwayne Siiraanyo Gaadhay iyo Kaalinta ay ku lahaayeen Jilayaasha Haakah Sugayaasha loo yaqaano ee Riwaayada Xisbiga Kulmiye Jilaya iyagoo Farxad galinaya Nus Danbeedka Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo oo ka soo Jeeda Beesha Bariga Burco oo iyagu Riwaayada Xisbiga Kulmiye soo Alifay si ay ugu Asturaan Talo Baahday Maamul Xumada Hogaanka la doortay ee Hawlgabka noqday. Laakiin way Guulaysteen .

Sanadkii Koowaad ee Xukuumada Xisbiga Kulmiye Waxaa Bulsho waynta Gobolka Gabiley laga Biibiiyay Nidaamkii Dawladeed ee Maamulka Gabiley u dhisnaa iyadoo Jilayaasha Riwaayada Xisbiga Kulmiye Hormood ugu ahaayeen Kooxahan ula badheedhay ku Tumashada SHarci Dhaqanka Soomaaliyeedna ku ahayd SHaraf dil hadaba Akhriste 29/5/2011 waxaa ka dhacay Afganbi Maayarkii Dagmada Gabiley Aadan Muxumad Bade lagaga faro marojiyay Hogaamintii Golaha ee sida Sharciga Waafaqsan loogu soo doortay iyadoo Maayarkii Gabiley Haakah Sugayaashu u Caleemo Saareen Marwo KHADRA X GAYDH 8/3/2012 ayay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ka Dalbadeen Fadhi aan Caadi ahayn waxaanay Amar ku taaglaynteedu gaadhay in Xabsiga u Taxaabto Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Balse waxaa Kacdoon Shacbi ku soo daayay Dadwaynihii soo doortay iyadoo lagu Sanduleeyay Jilayaasha Haakah Sugayaasha loo yaqaano 13/3/2012 iyadoo Maayar Cusub loo Doortay Xildhibaan Golaha Deegaanku doortay

Isku soo wada duubuu Sanadba Sanadka ka danbeeya waxaa sii kordhayay DHibaatooyinka iyo Hadimooyinka ay Gaysteen Jilayaasha Riwaayada Xisbiga Kulmiye ee Maantana Murshaxa Xisbiga Kulmiye isku haysta .

LASOCO…………………………..

GABILEY.NET