Xisbiga Wadani oo ka Hadlay Aragtida Ay Ka Qabaan Shirka Golaha Dhexe Xisbiga Kulmiye.

Hargeisa(GNN):-:-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa markii ugu horaysay ka hadlay musharaxiinta ku tartamaya musharaxnimada xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xisbiga Waddani oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha guud ee xisbigaasi Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa lagu sheegay inaanu xisbiga Waddani kala jeclayn isla markaana kala taageersanayn musharixiinta ku tartamaya xisbiga Kulmiye.

War saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka Hadhwanaagnews ee magaalada Hargeysa ayaa u dhignaa sidan “ Jamhuuriyada Somaliland waa dal dimuqraadi ah isla markaana leh hanaanka xisbiyada badan, xisbi walbana waxa ku waajib ah inuu qabsado shirkiisa golaha dhexe, si loogu soo xulo musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee uga qayb galaya doorashooyinka.

Xisbiga Kulmiye waa xisbi qaran

oo umada oo umada somaliland ka dhaxeeya, sida aynu la wada socono waxa dhawaan (10 November 2015) qorshaysan inuu qabsoomo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Xisbiga Waddani waxa uu rajaynayaa in shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ku dhamaado guul iyo is af-garad.

Waxa xusid mudan inaan xisbiga Waddani kala jeclayn cida ka soo baxaysa isla markaana cid gaara taageersanayn, waxa aanuna diyaar u nahay inaanu tartan xor ah oo xalaal ah la galno cid kasta oo ay soo saaraan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye

Maxamed Cabdilaahi Uurcade

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani.