Xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka,Xildhibaano Iiyo Xubno kale oo Shalay Laga Af-duubay Deegaanka YUBE Oo Dib U Helay Xoriyadoodii.

Ceerigaabo(GNN)-Wararka hadda naga soo gaadhaya Magaaladda Badhan ee Gobbolka Sanaag,ayaa sheegayaa in goor dhawayd si rasmi ah loo soo daayay Xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka,Xildhibaano Iiyo Xubno kale oo safarka ku wehelinayay,kuwaas oo shalay ay Afduubteen Ciidammo ka amar-qaata Maamulka Puntland.

Xubnahan shalay la qafaashay ayaa kala ah; Guddoomiyaha Komishanka G/Sanaag Axmed Cali Biixi Guddoomyaha Ururka Waddaniga ah Ee Taakulo Cumar Jaamac Faarax iyo Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax oo katirsan golaha degaanka Ceerigaabo iyo Dirawaladii u waday Gaadiidkii ay la socdeen.

 

Log1