Xukuumada Somaliland Oo Caawa Heegan Galisay Ciidamada Amaanka Gudaha Caasimada Hargeisa.

Hargeisa(GNN):- Waxaa Caawa Fiidkii Ila hadda Laga Dareemayaa Gudaha Caasimada Hargeisa Wadooyinkeeda Iyo Isgoysyada Laamiyada Dhexmara Waxaa lagu Arkayey Wadooyinka Waaweyn Ciidamo ku Gaashaaman Baabuurta Ciidanka iyo Qoryaha fudud, Kuwaas oo Si Adag baadhitaan ugu sameynayey gaadiidka kala duwan ee dhexmaraya caasimada, waxaaned moodaa in si aad loo adkeeyey guud ahaaba amaanka caasimada iyadoo arrintani la xidhiidho kooxada wasiirada ah ee iska casilay xukuumada madaxweyne siilaanyo, iyadoo laga hortagayo xaalad kasta oo wadanka amaankiisa lagu khalkhal galinayo, iyadoo galabnimadii maanta wasiirka wasaarada arimaha gudaha oo shir degdega qabtay uu ku goodiyey in ay wax iska caadiya tahay wasiiro is casilaa balse aaney jiriyn cid xaalad abuur ka sameysa dalka isla markaana uu isagu xukuumada u qaabilsan yahay amniga cidkasta oo falal noocaas oo kale ku kacana uu qoorta kajabin doono.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in xukuumada madaxweyne siilaanyo ay saacadaha soosocda soo dhisto isalmarkaana soo buuxiso jagooyinka ay baneeyeen wasiiradan iyo kuxigeenadani.