Xukuumada Somaliland Oo Dib Xoriyadoodii Ugu Soo Celisay Qaar Kamida Ganacsatadii Iyo Odayaashii Loo Xidhxidhay Falkii Lagu Weeraray Guriga Badhasaabka Awdal.

Hargeisa(GNN):-Xukuumadda ayaa xorriyadoodii dib ugusoo celissay qaar ka mid ah ganacsato iyo odaydhaqameedyo saldhigga Koodbuur ee casimadda Hargesya ugu xidhnaa faldembiyeed koox dabley ahi ku weerartay guriga Badhasaabka G/awdal, Ramaax uu ka deggenyahay magaalada Boorama .
bb1(1).jpg
Kooxdan la sii daayey kana kooban ilaa todobo xubnood ayaa siideyntoodu ka dambeysay markii M/xigeenka dalka C/raxmaan Saylici uu aqbalay ergo ka socotay qaar ka mid ah ganacsatada caanka ah ee Boorama iyo Salaadiinta waawayn ee gobolka iyo odaydhaqameedyo kale ,kuwaasoo ka hor imaatinka M/weyne Siilaanyo ee dalka Hargeysa ugu sugnaa siideyntooda .

Raggan ama baayacmushtarka la sii daayey ayaa isla maanta waxa Huteel xaraf ee magaalada Hargeysa martiqaad ugu sameeyey madaxweyne kuxigeenka dalka ,iyadoo labada maalmood ee soo

socdana la filayo inay kooxdan la sii daayey ,ergeda ,iyo madaxweyne kuxigeenku fadhi gaar ah ka yeeshaan arrimo lugta ku haya sidii meesha looga saari tuhunada ku xeeran xadhiggooda loogana wada shaqayan lahaa amniga iyo danaha dadweynaha . kuwa haatan weli ku jira oo lagu qiyaasay ilaa saddex xubnood oo u ka mid yahay Maayarkii hore e Magaalada Boorama ,saleemaan Xasan xaddi.

Ganacsatada iyo baayacmushtarka waanwaanta ka qaadatay siideynta ganacsatadan, ayna ka mid ahaayeen Cabdi Xasan Tukaale , Muuse Camir iyo laba xubnood oo kale iyo aqbalaadda M/weyne kuxigeenka ka aqbalay sii deyntooda ayaa meesha ka saaraysa hadallo been abuur ah oo magaalada lasoo geliyey,kuwaasoo laguna doonayo in khilaaf lagu kala dhexdhigayo M/weyne Siilaanyo iyo Kuxigeenkiisa Sayllici,kooxahaasina ku doodayaan in M/weyne Siilaanyo u M/weyne kuxigeenkiisa ku muquuniyey siideynta odayaashaasi iyo ganacsatadaba.