Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Gurigii Taliyaha Boorama Oo La Gubay Iyo Hal Qof Oo Ku Dhintay Rabshado Ka Dhacay Gobolka.

Hargaysa(GNN)Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Hal Qof oo ku dhintay Rabashado Ka dhacay Ciyaartii Gobolada Awdal iyo Hargaysa ku dhex Martay Garoonka Xaaji Daahir ee Magaalada Boorama,waxaana uu Wasiirku sheegay in Xaalada Boorama Hada Dagan tahay.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha somaliland Axmed Cadare ayaa sheegay in Gurigii Taliyaha booliska Boorama Lagubay,iyaga oo ciidankuna daba gal ku hayaan cidii ka danbaysay,sharcigana la horkeeni doono.

Axmed Cadare ayaa dhibta soo noq-noqotay sabab uga dhigay Ciyaaraha Gobolada oo ka Socda Awdal iyo shaqaaqooyin ka Taagan deegaankaasi,isaga oo qoyskii ay wiilka Yari ka Geeriyoodayna Ka Tacsiyadeeyay,sheegayna in Ciidanku AmaankU Gobolka Gacanta ku hayaan.

“Ciidanka Amaanka oo Sugayay Amaanka uunbay Rabshadi ka Dhacday Goobtii Ciyaarta,Runtii Aad iyo Aad ayaanu uga xunay dhibkaas goobta ka dhacay ee keenay dhimashada,waxaanu tacsi u diraynaa Qoyskii uu ka Baxay iyo Shacabka Somaliland,Maantana Magaaladu way Dagan tahay Xoogaa Buuq ah ayaa bilaabmay Balse Ciidanka Qaranka iyo Odayaashii Deegaanka ayaa Baajiyay.Ayuu yidhi isaga oo waraysi Siinayay Laanta Afka Somaliga Ah Ee BBC-da

Intaas waxa uu ku daray Axmed Cadare Wasiir ku xigeenka Amaanka oo Hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Runtii way jirtaa in la Gubay Gurigii Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Boorama,Falkaasi inuu dhacana waan ka Xumay Runtii,Danbigaasina waxa uu ahaa Mid adag,lakiin dadkii Falkaasi ka danbeeyayna Baadhis ayaa Socota Sharcigana waa la Horkeeni Doonaa.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka hadlay Dhacdadan ku soo noq-noqotay Gobolka Awdal ee ay Sababeen Ciyaarahu ayaa waxa uu yidhi.”Buuqa waa dhashaa Marka uu dhashana ciidankuna waxa ay isku dayaan intaanay dhibtu badan in ay kala kaxeeyaan,waana Nasiib daro dhacday runtii oo isku beegan tay soona noq-noqotay,waana lagu dabar jiraa oo falkaasi cidii ka danbaysay sharciga ayaanu marin doonaa.

Axmed Cadare ayaa Qiil ka dhigay inaanay Ciidanku Haysanin Qalabkii Loogu talo galay Mudaharaadka,markaasna ciidanku ay haystaan oo kaliya Xabad Nool oo loo adeegsanayo Cid kasta oo Dhibaato Samaysa.

“waa mid meesha taala,lakiin markasta waxaas aad hayso ee gacanta kuugu jira ayaad weheshan kartaa,waa arin Caalamka ka Mid Ah in ciyaar la qabtaa,ciyaartiina qaarkoodi isku badasho dhibaato waa qayb nolosha ka mid ah,markasta itaalka iyo awooda aad goobtaas la joogto ayaad adeegsan kartaa ood wax ku qabanaysaa.
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE