Xulalka Awdal iyo Daadmadheedh oo Afka Ciida u Diray Xulalka Tog-dheer iyo Hawd

Hargeysa(GNN) Labada Xul ee Daadmadheedh iyo Awdal, ayaa guul ka gaadhay tartanka isreebreebka ciyaaraha gobolada Somaliland oo Shlay  si rasmi ah uga bilaabmay gobolada Awdal iyo Togdheer.

Xulka gobolka Awdal ayaa 1: 0 kaga adkaaday xulka gobolka Hawad, waxaanay ciyaartaasi labada kooxood soo bandhigeen ciyaar raaligelisay daawadayaashii ku sugnaa garoonka.

Xulka gobolka Daadmadheedh ayaa isaguna 1:0 kaga adkaaday xulka gobolka Togdheer oo martigeliyay tartanka isreebreebka ciyaaraha gobolada Somaliland ee bariga.

 

Log1