Xulka Ciyaartoyga Gobolka Gabiley Oo Uga Mahad Celiyey Maayarka Degmada Gabiley Iyo Gudoomiyaha Gobolka Sida Ay Ubarbar Taagan Yihiin

Gabiley(GNN)-Xulka Ciyaaryahanada Gobolka Gabiley ayaa, siweyn ugaga mahad celiyay sida hagar la,aanta ah ee ay hadh iyo habeen u barbar taagan yihiin Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi iyo Gudoomiyaha Gobolka Mustafe Cabdi Ciise(Mustafe-shiine),iyo Guud ahaanba Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, oo u muujiyay dhiirigalin fiican iyo taageero qurux iyo sharafba mudan.

DSC00833

xulka Gabiley(2)
Xulka Ciyaryahanada Gobolka Gabiley, waxa ay siweyn usoo dhaweeyeen doorka qiimaha leh ee ay Maayarka Degmada Gabiley Amiin Cumar Cabdi iyo Gudoomiyaha Gobolku la barbar joogsadeen iyo Masuulyiinta kale ee heer Degmo iyo heer Gobol labadaba,waxa kale oo ay u mahad celiyeen guud ahaanba shacbiga Reer Gabiley oo si dareen leh u dhiirigaliyay, iyagoo hoosta ka xariiqey in ay siweyn u tabeen doorkii ay ku lahaayeen Wasiirada Gobolka Gabiley, oo aan sidii waayadii hore u barbar joogsanin doorkan Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka ee hada Wajigiisii labaad bilaabmayaan dhawaan.

 

ciyaartoy2(1)

Xulka Ciyaartoyga Gobolka Gabiley,ayaa doorkan Wajigii hore ee Tartanka Ciyaaraha Gobolada Dalka soo bandhigay Ciyaar fiican oo deganaansho iyo akhlaaqi ka muuqato iyagoo, Guul fiican ka gaadhay labadii ciyaarood ay la ciyaareen Xulalka Gobolada Salal iyo Saaxil, waxaana deyrtan laga filayaa in ay guulo ka mug weyn tan wajiga hore kusoo bandhigi doonaan Qeybaha Dambe ee Tartanka Ciyaaraha Gobolada, maadaama ay waayo aragnimo fiican u leeyihiin Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo ay tan iyo bilowgii ka qeyb galeen.

ciyaartoy4
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE