Xulka G. Awdal oo ka Badiyey Maroodijeex kadib rabshad ka dhalatay iyo khasaaraha dhimashiyo dhaawac.

Hargeysa(GNN) Gudida Anshaxa ee Ciyaaraha Gobolada ayaa Saddexdii Dhibcood siyey Xulka Gobolka Awdal kadib markii Ciyaartii oo socota ay ka dhalatay buuqa, waxa ciyaarta markii hore lahaa hal Gool Xulka Gobolka Maroodijeex, balse markii ay muddo socotay ayaa garsoorihii ciyaartu uu rikoodhe u dhigay xulka gobolka Awdal, waxaana ka xanaaqay xulka gobolka Maroodijeex, waxaana ka dhashay khilaaf sababay in ciyaartu halkaasi ku joogsato, balse gudidaciyaaraha ayaa sadexdii dhibcood siiyey xulka Awdal sidaasi ayeynakusoobaxeen.

dhinaca kale Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa wax ay sheegayaan in hal qof ku geeriyooday  garoonka ciyaaraha ee Xaaji Daahir stadium, qofkan ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa waxa da’adiis lagu qiyaasay 18 jir.

Wiilkan yar   ayaa isagu ka mid ahaa dhalinyaro daawanaysay ciyaar dhex maraysay gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal wiilkan yar ayay xabbadu kaga dhacday dhinaca feedhaha ee garabka midig halkaasi oo isagoo dhaawac halis ah lagu geeyay cisbitaalka wayn ee magalada Boorama intii ay kalkaaliyaashu dadaal ugu jireen sidii ay xaaladiisa ula tacaali lahaayeen ayay naftu ka baxday.

Geerida wiilkan yar ayaa timid ka ka dib markii ciyaartii dhex maraysay Maroodi-Jeex iyo Awdal uu khal-khal soo dhex galay, halkaasna ay rabshado ka dillaaceen, ka dibna ay ciidanja bileysku rasaas fureen.

Sidoo kale waxa guud ahaanba la joojiyey ciyaartii dhex maraysay gobolada Awdal Iyo Maroodi Jeex, iyada oo ay xidhiidhka kubada cagtuna ay go’aan ka gaadheen ciyaartaas aan wakhtigeedii dhamaan ee la joojiyey guushana ay ku siiyeen Xulka Gobolka Awdal.

Ciidamada amaanka ayaa la soo sheegayaa inay ku hawlan yihiin sugida amniga magaalada Boorama, isla markaana ka hor tagaya inay rabshaduhu sii daba dheeraadaan.

 

Log1