Xulka Gobolka Gabiley oo Dubtay Xulka Gobolka Saaxil

Kulan xiiso badan ayaa Xaaji Daahir Stadium ku dhex maray kooxaha xulalka gobolda Gabiley iyo Saaxil, Gabiley ayaa ciyaaraysay kulankeedii labaad iyada oo hore barbaro gool la’aan ah ula soo gashay kooxda gobalka Salal, laakiin kooxda gobolka Saaxil ayaa ciyaaraysay kulankeedii ugu horeeyay.

Gabiley ayaa kulankan ku bilaabatay dardar cajiib ah iyada oo u muuqatay inay u dagaalamaysay guusheedii ugu horaysay iyo waliba saddexdii dhibcood ee ugu horeeyay ee sanadkan ay ka gaadho tartanka gobolada Somaliland.Kulankan ayuu wacdaro ka muujiyay xidiga Gabiley weerarka ugu ciyaara ee Mukhtar Messi kaas oo kulankan ka dhaliyay labada gool ee hore.

Dardar iyo dadaal kadib Mukhtar Messi ayaa Gabiley hogaanka u dhiibay kadib markii uu dhaliyay goolka furitaanka, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Gabiley hogaanka kula wareegtay.

Xamaasada ciyaarta ayaa cirka isku shareertay waxaana kooxda Gabiley ka go’nayd sidii ay ciyaarta uga dhalin lahayd goolal badan maadaama oo ay kulankii hore garoonka ka baxeen iyaga oo aan shabaqa soo taaban. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay kooxda xulka Gabiley hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Gabiley soo laabtay iyada oo ku socota dardar aan la joojin karin, waxaana markale tayadiisa ciyaareed muujiyay isla gooldhaliyhii hore ee Mukhtar Messi kaas oo markale si fiican shabaqa u soo taabtay wuxuuna markale ciyaarta ka dhigay 2:0 ay kooxda xulka Gabiley hogaanka ku dheeraysatay.

Goolasha daadka ah ee kooxda gobalka Gabiley ayaa halkeeda ka sii socotay, waxaana Gabiley goolka saddexaad ee dhulka jiiday kooxda gobolka Saaxil udhaliyay Cumar Cali oo isagu Ahaa iJinkii Kubada Waday ee Xulka Gobolka Gabiley kaas oo gool qurux badan oo ay Xulka Gabiley si fiican u soo dhistay ciyaarta kaga dhigay 3:0 ay Gabiley ku dhibaataynayso kooxda Gobolka Saaxil oo ciyaar fiican soo bandhigaysay balse dhamaystirkeedu aad u liitay.

DSC00850

Kooxda gobolka Saaxil ayaa ugu danbayn dadaalkeeda gool u badashay, waxayna markan la timid goolka kaliya ee ay kulankan ka dhalisay, waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay wali Gabiley hogaanka ciyaarta ku haysay.

Iyada oo lays waydiinayo in kooxda gobolka Saaxil ay ciyaarta ku soo laaban karto iyada oo waqti koobani uga hadhsanaa ciyaarta ayuu Gabiley goolka afraad u saxiixay Sharmarke Ilkadahable kaas oo oo ciyaarta badal ku soo galay isla markaana lagu soo badalay Cabdi Riyaad oo isaguna door wayn ku lahaa caawinta goolasha iyo waliba kubbad dhisida, wuxuuna Sharmarke ciyaarta ka dhigay 4:1 ay Gabiley ku xasuuqayso kooxda gobalka Saaxil.

Rajadii soo laabasho ee Saaxil ayaa noqotay mid lagu hungoobay, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 4:1 ay kooxda gobalka Gabiley ku gumaaday dhigeeda Saaxil oo kulankeedii ugu horeeyay ee sanadkan guuldaro ku bilaabatay.Waa natiijiidii ugu waynayd ee sanadkan ay koox gobolada Somaliland ahi ay tartanka ka gaadho.

Kala saraynta Group B ee tartanka goblada Somaliland qaybtiisa Awdal:

1-Gabiley =4 dhibcood iyo laba kulan

2-Saaxil =Hal kulan wax dhibco ah malaha

3- Salal = 1 dhibic iyo hal kulan

 

1-Sanaag = 2 dhibcood iyo laba kulan

2-Saraar = 1 dhibic iyo hal kulan

3- Sool = 1 dhibic iyo hal kulan

 

C/rasaaq Axmed Hayaan ilkacase

Gabiley.net

Gabiley office