Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) Oo Tix Gabay Ah Ka Tiriyey Geerida Marxuun Axmed Xasan Cawke

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) Oo Tix Gabay Ah Ka Tiriyey Geerida Marxuun Axmed Xasan Cawke

Is diidsiiyey dhiilada warkiyo hadalka soo duulay

Duufaan xusuusuhu kacsheen daali madaxayga

Dubaaqayga Qiirada Damqaday Igu Dinnaahyeeye

Ilmo Dabarku Hayn Waayey Oo Dhaba U Dareeraysa

Hadba Duugay Waan Duugayaa Dooxse Lama Mooso

Damal Dhacay Docdiisii Banaan, Deyrka Naga Liicay

Xulad Dumay Haldoor Lagu Goblamay Deeqsi Naga Hoyday

Nimcay Dihatay Hooyaba Wed Baan Laga Dabbaalayne

Rabbi Baan Duruunsaday Baryanaa Waan u Dirayaaye

Inta Loo Daraadiyo Ilaah Kaama Dhigo Deyro

Duddo Nabada Iilkaagu Noqoy Daarad Naxariisa

Qabrigaagu Daartii Janada Daa’im

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE