Ciidanka C.I.D-Da Oo Baadi-Goob Ugu Jira Xaruunta Wargeyska Hubsad Iyo Masuuliyiinta Wargeyska oo Wax laga Waydiiyey Arrintan.

Hargeysa (GNN):- Ciidamada Nabad-sugida Somaliland ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku hawlanaa siday u soo qaban lahaayeen Masuuliyiinta Wargeyska Madaxa bannaan ee Hubsad. Warkan oo uu noo xaqiijiyey Tifaftiraha guud ee Wargeyska Hubsad Siciid Khadar aw Cabdillaahi oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay inaanu garanayn sababta keentay arintaasi, hasa yeeshee, waxa uu tilmaamay in isaga laftiisa loo sheegay inay raadinayaan Ciidankaasi oo Dad kala duwani u sheegeen in la waydiiyey halka uu ku yaalo Xafiiskoodu iyo Masuuliyiinta Wargeyskoodaba. ” shalay ilaa xalay, waxa nala soo xidhiidhay Dad kala duwan iyaga oo noo sheegayay in rag ka tirsan Ciidanka Nabad-sugidu ay waydiiyeen Xafiiskoodu halkuu ku yaalo iyo Hawl-wadeenada Wargeyska oo aan anigu ku jiro” ayuu yidhi Tifaftire Siciid khaddar Cabdillaahi oo noo waramay. Mar aanu waydiinay sababta arintaasi keentay, waxa uu sheegay inaanu garanaynin, wax dambi ah oo ay sameeyeena aanu jirin, waxaanu yidhi ” ma garanayo sababta oo anagu wali ismaanu arag. Mana jirto wax dambi ah oo aanu galnay intaan ogahay, mid shaqsi ah ama wargeyska ku soo baxayba, ma garanayo, marka laga reebo inaanu dhawaan Maamulka Wargeyskaasi la wareegnay” waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi ” waxaanu ognahay in Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aaden uu arintaasi dabada ka riixayo, isagoo meelo kala duwana la xidhiidhay oo khalad ku sheegay in wargeys lala kala wareego. Waxaan leeyahay Xeer ilaaliyaha, hawsha kuu taalaa intan way ka wayn tahay. Khilaafyada kala duwan ee Dalka ka jira oo dhammaantood ku saabsan sharciyo laysku haysto ayay ahayd inaad isku hawsho, hawlaha Qarankani kuu igmadayna ka mid ah. anigu sharciga wax badan kama aqaan, laakiin, sifo sharci ah haddii aanu kula wareegnay dambi ma aha oo qawaaniinta Dalka iyo Xeerka Qaranka u yaalaa ma diidana. Cidda dambi ka dhigtaana waa hawl iyada u taala oo caddaynteeda laga doonaayo” ayuu hadalkiisa ku soo koobay. Sannadkii 2010 ayay ahayd markii la diwaan-geliyey Wargeyska Madaxa bannaan ee Hubsad. Isaga oo wargeyskuna in muddo ah Dalka ka soo bixi jiray, hasa yeeshee, dhawaan waxa maamulkiisa la wareegay Masuuliyiintan cusub oo imika gacanta ku haya hawshii wargeyska iyo maamulkiisaba. Xukuumada Somaliland ayaa badiba intii ay talada haysay joojisay sharciyaynta Wargeysyo cusub oo ku soo kordha intii hore u jirtay. Waxana taa badalkeeda Dadka doonaya inay samaystaan wargeysyo cusub u bannaanayd inay sifo sharci ah kula wareegi karaan Ruqsada Wargeys hore u jiray laakiin aan imika shaqaynin ama soo bixin. Waxana imika sidaa ku shaqeeya qaar ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa gudaha Somaliland

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Desk
Axmed Almis