Cusbitaalka Magaalada Wajaale Oo Uu Hada Yeelo Meydka Marxuum Cawke Iyo Madax Tira Badan Oo Aaskiisa Ka Qayb Galaya

Cusbitaalka Magaalada Wajaale Oo Uu Hada Yeelo Meydka Marxuum Cawke Iyo Madax Tira Badan Oo Aaskiisa Ka Qayb Galaya ,Alle Ha U Naxariistee Waxa hada Cusbitaalka Magaalada Wajaale Qaybta xisaabsan ismaamulka Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya la keenay Meydka Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ka mid ah tiirarkii Saxaafadda somaliyeed Aaska Marxuumka waxa ka qayb galaya Madaxweyne Ku Xigeenka iyo wefti culus oo uu Hogaaminaayo waxa sidoo kale la sheegayaa inay ka qayb galayaan madaxweynaha dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo madax kale oo Africa ka tirsan

Inta badan Wariyaasha somalida kuwa ugu miisaanka culus ayaa ku sugan Magaalada Wajaale si ay uga qayb galaan Aaska Axmed Xasan Cawke Wixii Faah Faahin Ah Nagala Socda Wararkayaga Danbe Anaga Oo Hada Ku Sugan Magaalada Wajaale Gaar ahaana goobta ay ka qodan tahay Xabaasha Axmed Xasan Cawke Lagu Aasi Doono.

 

Gabiley.Net Wajaale,Wajaale